Advertisements

Hay’adda Pentagon-ka ayaa sheegtay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen deegaanka Furuqley ee hoos tagto Degmada Afgooye.

helikobtersHay’adda Pentagon-ka ayaa sheegtay in diyaaradahooda ay duqeeyeen deegaanka Sabiid ee hoos tagto Degmada Afgooye, waxaana ugu yaraan ay ku dileen howlgalkaas Shan ruux oo xoogagga Al-shabaab ka mid ah, kadib marka ay diyaaradahoofa Helicopter-ro ah ka geysteen Deegaanka Furuqley oo qiyaastii 25-km dhinaca Waqooyi kaga beegan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Duqeyntaan oo dhacday shalay oo Jimco ahayd, ayaa lagu beegsaday Goob ay qaar ka mid ah xoogagga Al-shabaab ku qaadayeen Zako, waxaana Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Somalia ay sheegeen in duqeyntu ay ahayd mid qorsheysan.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in Diyaaradaha duqeynta geystay laga leeyahay Mareykanka, inkastoo Xukuuumadda Washington aanay wali ka hadlin duqeyntaan, balse ilo wareedyo ka tirsan Pentagon-ka ayaa sheegay in duqeyntan ay iyagu ka dambeeyeen.

Dhanka kale, duqeyn noocan oo kale ah, ayay diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah waxay ka geysteen Khamiistii lasoo dhaafay deegaanka Sabiid oo isna ka mid ah deegaanada ku dhow degmada Afgooye, gaar ahaan goob ay ku sugnayeen xoogag ka trirsan Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin duqeyntan la sheegay in xooagag ka mid ah kuwooda lagu dilay, iyadoo duqeymo dhawr ah oo horay xarumo ay Al-shabaab ku leeyihiin gudaha Somalia lagu dilay saraakiil iyo ciidammo.

Ugu dambeyn, Duqeymaha nooocan oo kale ah ayay ciidamada Mareykanka iyo kuwa DF Somalia waxay dhawaanahan ka geysanayeen deegaanno xoogag ka tirsan Al-shabaab ay kaga sugan yihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

SomaliSwiss      Pentagon

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: