Advertisements

Ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo maanta markale la wareegay Degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Ciidanka hiiraan.jpg1Ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, ayaa mar kale la wareegay maanta Degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeelada Dhexe, sida ay u sheegeen Warbaahinta Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ciidanka iskaashanaya ayaan wax iska caabin ah kala kulmin dagaalyahannadii Al-shabaab ee horay ugu sugnaa Degmadaas gacanta ku hayay, waxaana wararku ku darayaan intaas in Al-shabaab ay isaga baxeen degmada markii lagu dhawaaday.

Sidoo kale, Ciidanka Dowladda Somalia ee la wareegay degmada Aadan-yabaal Ciidammo Muqdisho laga qaaday, iyadoo ay horay uga raaceen qaybo ka mid ah gobolka Shabeellada Dhexe ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo horay u joogay gobolkaas.

Dhanka kale, Shacabkii ku noolaa Aadan-yabaal ayaa barakacay sida ay sheegeen Dad ku sugan weli Degmadaas, iyadoo sidoo kale ay horay uga maqnaayeen degmada shacabka ka barakacay xilligii hore ee ay ciidamada huwanta ah kala wareegayeen degmadaas xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Billowgii bishii Abriil ayay ahayd markii ciidamada Dowladda Somalia iyo AMISOM ay la Wareegeen Aadan-yabaal, laakiinse Saddex casho kaddib ayay ka baxeen; iyadoo aan la ogeyn sababta ay uga baxeen.

SomaliSwiss      Aadan Yabaal

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: