Advertisements

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka oo sheegay inuu aad uga walaacsan yahay Go’aanka Kenya ay ku doonayso in ay ku xirto xeryaha Qoxootiga.

Mr. John KerryXoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Mr. John Kerry ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay Go’aanka Dowladda Kenya ay ku doonayso in ay ku xirto xeryaha Qoxootiga Dhadhaab, ayna uga joojisay gabi ahaan hawlihii ay hayeen hay’adaha caawiya Qoxootiga.

Kerry ayaa sheegay inuu ugu baaqay Dowladda Kenya inay sii waddo Doorkeedii dheeraa ee Hoggaamineed ee ay magan-galyada ku siinaysay kumannaanka qof ee qoxootiga ku ah dalkeeda, kuwaasoo kasoo cararay colaadaha iyo abaaraha ka jira Waddamadooda.

Sidoo kale, Wuxuu baaqaynaa Xukuumadda Kenya inay ilaaliso Shuruucda Caalamiga ah ee Qoxootiga – oo aysan dadka Qoxootiga ah ku khasbin inay dalalkooda dib ugu laabtaan. War saxaafeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa John Kerry uu ku sheegay inay ka mahadcelinayaan martigelinta dawladda Kenya ee qaxootiga, waxaana uu sheegay in dawladdiisu ay ka caawisay Kenya wadaagista mas’uuliyadda oo ay qayb ka qaadatay kaalmada bani’aaminnimo iyo in dib u dejin loo sameeyye qaxooti badan.

Dhanka kale, John Kerry ayaa ugu baaqay xukuumadda Kenya inay sii waddo la shaqaynta UNHCR sidii loo celin lahaa Qoxotiga iskood u laabanaya – iyo inay ixtiraamto heshiiskii saddex geesoodka ah ee Sannadkii 2013-dii ay kala saxiixdeen Dowladaha Somalia, Kenya iyo UNHCR, kaasoo dhiirri-gelinay inay dadku si iskood ah u laabtaan.

Ugu dambeyntii, Hadalka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Maalmo ka hor ay Xukuumadda Kenya ku Dhawaaqday in ay Xirayso Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab iyo Kaakumo, iyadoo shalyna sheegtay inay xeryahaas xiri doonto dhammaadka sannadkan lagu jiro.

SomaliSwiss       New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: