Advertisements

Maamulka degmada Balad-xaawo ee gobalka Gedo oo sheegay inay gacanta ku dhigeen hub iyo walxaha qaraxo oo lagu aasay qol dhexdiisa.

Hub.jpg1Maamulka degmada Balad-xaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen hub iyo qaraxyo laga soo qabtay magaalada.

Hub.jpg1Laamaha Amniga Degmadaas ayaa tilmaamay inay Hawl-gal ay fuliyeen ay kusoo qabteen hub iyo walxaha qarxe oo lagu aasay qol dhexdiisa.

Guddoomiye ku-xigeenka degmadaas Bile Huufood Ibrahim oo la hadlay warbaahinta ayaa uga warramay howl-galkan ay fuliyeen iyo sida ay kusoo heleen hubkan & walxaha qarxa.

Sidoo kale, Guriga ayaa sida uu tilmaamay waxa iska leh nin horay uga tirsanaa al-Shabab kaas oo xabado ay isku fureen laba kamid ah ilaalada degmada oo sababtay isaga iyo mid ilaalada kamid ah inay dhaawacmaan.

Markaas kadib ayuu tilmaamay inay baaritaan ku sameeyeen -guntiina uu u sheegay in uu duleedka magaalada degan yahay: gurigiisana ay hub iyo walxaha qarxa ku duugan yihiin.

Hub.jpg2Warku wuxuu intaa ku darayaa in Ciidamada Soomaaliya ee Somali National Army (SNA) ayaa shalay yeeshay shir looga hadlayay ammaanka kaasoo ay la qaateen koox dawlada Kenya u qaabilsan arimaha ammaanka.

Waxaa sidoo kale ciidanka Soomaaliya ee SNA uu ku wareejiyay hub laga helay Balad Xaawo Talaadadii kaasoo markii hore laga soo xaday ama laga soo dhacay dawlada Kenya.

Hubkaas ayaa waxaa la aaminsan yahay in xarakada Shabaab ay damacsanayd inay ku weerarto Kenya; hubkaas ayaa waxaa kujiray walxaha qarxa, rasaas iyo qoryo, waa sida hadalka loo dhigaye.

Magaalada Mandera oo xaduud la leh Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay falal amni darro oo is dabajoog ahaa sanadihii lasoo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, bilihii lasoo dhaafay ayaa isa soo taraysay in hub aad u badan oo la doonayey in la soo geliya dalka Soomaaliya, ha yeeshee waxaa nasiib wanaag ah in hubkaas gacan lagu dhigay.

HubSomaliSwiss      Balad-Xaawo 

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: