Advertisements

Ciidamada Talyaaniga oo qaybka ah kuwa Midowga Yurub ee tababbarada siiya ciidanka xooggga dalka Soomaaliya oo maanta qaybiyey deeq isugu jirta qalab caafimaad iyo Cunno.

Ciidanka ItalyCiidamada Talyaaniga oo qaybka ah kuwa Midowga Yurub ee tababbarada siiya ciidanka xooggga dalka Soomaaliya ayaa waxay Munaabadaan deeq isugu jirta qalab caafimaad, Buskut, cabitaan iyo kabo kala gaarsiiyey Xarunyta Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka ee Degmada Boondheere iyo Xarunta Agoonta Gabdhaha ee Boondheere, waxaana halkaas hadalo ka jeediyey Xiriiryaha barnaamijka deeqaha ciidamada Talyaaniga Kabtan Mooge.

Ciidanka Italy.jpg1Maxada Xarunyta Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka ee Degmada Boondheere Ruqiyo Maxamuud Afrax ayaa ka mahad celiyey deedda la soo gaarsiiyay, iyadoo tlmaamtay inay ku soo beegantahay xilli ay u baahnaayeen.

Guddoomiyaha ururka haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa tilmaantay in ay tahay kaalmadaan mid wax ku ool u ah bulshada Boondhere  wax u tari doonto.

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Canab Xasan cilmi oo ka hadashay goobta ayaa xustay in uu soo noqonayo xiriirka Talyaaniga iyo Soomaaliya, taasi oo tusaale u ah wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed.

Cornel Benaardo  oo ah Madaxa Ciidamada Talyaaniga ayaa sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysey oo ay deeq soo gaarsiiyaan degmada Boondheere, waxaana uu intaa raaciyay inay sii joogteynayaan wax u qabshada hooyada iyo dhallaanka.

Agaamiyaha Caafimaadka Gobolka banaadir Dr Cabdullahi Xasan Nuune oo ka tilmaamay in gudoonka deeqda ay faa’iido badan u leedahay shacabka, waxaana uu ka codsaday inay sii labo jibaaraan taageerada ay siinayaan hooyada iyo dhallaanka.

Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasin Cabdulle Xasan oo hadal ka jeediyey Xarunyta Cafimaadka Hooyada iyo dhallaanka ee Degmada Boondheere ayaa xusay in xarunta ay dhistay dowladda Talyaaniga, markastana ay la garab taaganyihiin wax u qabashada bulshada, waxaana uu ka mahadceliyay deeqda ay soo gaarsiiyeen.

Ugu danbeytii waxaa xarunta Agoonta Gabdhaha ee Degmada Boondheere la gaarsiiyey Buskut, kabo iyo Cabitaano kale, iyadoo maamulaha Xaruntaasi Nuurta Maxamed Cadow ay ka mhad celisey Deeqda la soo gaarsiiyay oo ay sheegtay inaysan ahayn markii ugu horeysay oo dowladda Talyaaniga ay caawimaad u fidiyaan.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: