Advertisements

Meydad badan oo tahriibeyaal ah oo badda Mediterranean-ka kusoo caariyay xeebaha Giriiga (Greece).

Meydad Badda.jpg1Meydad badan oo tahriibeyaal ah ayaa badda Mediterranean-ka kusoo caariyay xeebaha Giriiga (Greece), arintaas ayaa walaac xooggan ku abuurtay dawlada iyo shacabka dalka Giriiga ( Greece).

 Sida la wada ogsoon yahay Greece ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay sii maraan tahriibeyaashu marka ay kusii jeedaan qeybaha kale ee Yurub.

Dad badan oo meydadkoodu soo caariyeen oo isugu jiray rag, dumar iyo carruur ayaa waxaa lagu aasay xabaalo wadareed intooda badan aan wax sumado ah lahayn maadaama mutadawiciintii aasay aysan garanayn dadkaa magacyadooda iyo meelaha ay khaasatan ka yimaadeen iyo weliba xataa qoysaskoodii ama eheladoodii. 

Meelaha lagu aasay ayaa ku kala yaal Talyaaniga, Turkiga iyo Greece.

Kumanaan qof ayaa ku naf waayay badaha labadii sano ee lasoo dhaafay sida laga soo xigtay heyadaha QM iyo kuwa kale ee samafalka.

Waxaa aad looga walaacsan yahay sidii loo xaddidi lahaa qulqulka tahriibeyaasha caalamka taasoo ah mid ka mid ah dhibaatooyinka caalamka ugu waaweyn qarnigaan ayadoo loo caal waayay sidii loo maareyn lahaa.

SomaliSwiss         Athen

SomaliSwiss@htmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: