Advertisements

Xarunta talista ciidanka ilaalada wadooyinka ee taraafikada oo ka dhacay qarax sababay qasaaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac iyo AL-shabaab oo sheegatay.

Qarax.jpg4Xarunta talista ciidanka ilaalada wadooyinka ee taraafikada ayaa ka dhacay qarax sababay qasaaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac gaari nooca raaxadda ayaa loo adeegsaday qaraxa kaasi oo lagu dhuftay albaabka hore ee xarunta fiisho-Taraafico ee degamada Cabdi-caziiz.

Qarax.jpg3Sida la soo wariyay inta la ogyahay 5 ruux ayaa ku dhimatay oo u badan dad goob ganacsi ku heysay ka soo horjeedka xarunta fiisha-Taraafico halka Dhaawacana uu ka badan yahay toban qof sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan nawaaxiga xarunta fiisho taraafiko ee muqdisho.

Wali saraakiisha ciidanka dowladda kama aysan hadlin qaraxa iyo qasaaraha ka dhashay inta uu la eg yahay ka sokow dadka halkaasi ku sugan .xarunta fiisho- taraafiko ayaa ah barta ay saldhiga ugu weyn ku lee yihiin ciidanka ilaalada nabad galayadda wadooyinka.

Sidoo kale, Warka ka soo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in Weerar loo Adeegsaday Gaari uu waday Dagaalame ka tirsan Shabaab lagu Qarxiyay Albaabka hore ee Xarunta Fiisho Taraafiko, waxaana sidoo kale Xigay Weerar ay Xarunta ku qaadeen Rag ka tirsan Shabaab sida lagu yiri warka Shabaab ka soo baxay.

Al-Shabaab ayaa intaa ku daray in halkaa ay ku dileen 9 ka mid ah Ciidamada Ilaalada wadooyinka ee Taraafikada islamarkaana ay kuwo kale ku dhaawaceen.

Dhanka kale laamaha Ammaanka Soomaaliya ayaa Xarunta uu Weerarku ka dhacay waxay ku soo bandhigeen Dagaalame ka tirsan Shabaab oo ay Toogteen Ciidamada Soomaaliya oo waliba wata Qori Eke-47,iyadoo sidoo kale Gaariga Qarxay uu ka xaynayay Ruux kale oo ka mid ah Shabaab.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: