Advertisements

Wasiirka Wasaarada Batroolka Mudane Maxamed Muqtaar oo Shaaciyey in Shirkado Caalami ah ay ku guuleysteen baarista Dhul-badeedka Koonfurta Soomaaliya.

Wasiirka macdantaWasiirka Wasaarada batroolka iyo macdanta xukuumadda Somalia ayaa shaaca ka qaaday in iyadoo kaashanaysa Shirkad Caalami ah ay Dhul-badeedka ku teetsan Koonfurta Soomaaliya waxay ka sameeyeen Xog-ururin ku saabsan Sahminta Shidaalka ee Somalia oo Maalin ka hor soo gaba gabowday.

Wasiirka wasaaradaasi mudane Maxamed Muqtaar Ibraahim oo la hadlay HOL, ayaa faah-faahin ka bixiyay Arrinkaas oo uu sheegay in shirkada Caalamiga ah Spectrum ASA iyo qubara Soomaali ah oo ka tiraan wasaaradda batroolka ay si guul ugu soo gaba gabowday sahmintaasoo maalin ka hor ay kasoo dageen Markabka ay ku sahminayeen xeebaha dalka.

Muqdisho Shirkada Spectrum ASA waxay si guul ah kusoo gaba-gabeysay xog uruurintii (2D seismic data) dhul badeedka Koonfurta Soomaaliya. Waxay ahayd 5 September 2015 markii Dowladda Federaalka Soomaaliyeed (DFS) iyo shirkada Spectrum ASA ay heshiis xog uruurin ah ku wada galeen xaflad lagu qabtay SYL Hotel kaas oo ku yaalo magaalada Muqdisho. Wax dhibaato ah ama amni daro ah ma aanay dhicin intii lagu jiray xog uruurinta.

somali yemen Khariidad muujineysa Loolka iyo Dhigaha Xadaynaya badda u dhaxaysa Somalia iyo Yemen.. Isha sawirka GoogleEarthDhul-badeedka Xogta laga ururinayay ayaa cabirkiisu ahaa; 20,582.75 Km. Xogtaan cusub wax ay kaabi doontaa xog badeed hore oo dhan 20,000 km taas oo lasoo ururiyay 2014-kii. Labada Xog waxay Sahlayaan in daraasad gun-fog lagu Sameeyo Rajada shidaal ee ku jirta badda Soomaaliyeed. 

Shirkadda Spectrum, Waxay billowday in ay fasirto xogtaas oo Diyaar noqonaysa Qaybaha danbe ee sanadkaan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baahin doonta natiijada Xogta shidaal ama gaas ee laga soo uruuriyay badda ku teedsan koonfurta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Waxaa intaa dheer, toddoba qof oo bartay Cilmiga geology (Geo-scientists) ayaa ka qayb galay xog uruurinta,  kuwaas oo tababbar lagu siiyay sida maraakibta xogta u uruuriyaan. Dadka tababarka soo qaatay waxa ay aadi doonaan Qaahiro Masar, halkaas oo lagu bari doono xarunta Spectrum ku lee dahay sida loo fasiro xogta.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: