Advertisements

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia oo maanta u magacaabay Maxkamadda sare ee dalka Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh.jpg16Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ka qaaday xilka Guddoomiyihii Maxkamadda sare, Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf, waxaana Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka loo magacaabay, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan.

Madaxweynaha Maxkamadda.jpg1Waa markii ugu horreysay oo Jagada laga qaado Garyaqaan Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf oo soo hayay xilkan muddo sannado ah, waxaana wararku ay intaas ku darayaan in mas’uulka cusub ee loo magacaabay gudoomiyaha uu horay u ahaa garyaqaanka guud ee xukuumadda Somaliland.

Madaxweynaha Somalia ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf, Waxaana xil ka qaadistiisa loo sababeeyay Da’diisa 85-sano gaartay.

Madaxweynaha Maxkamadda.jpg2Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay xaflad lagu Dhaarinayey guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee dalka ee uu Madaxweynahu magacaabay.

Xafladda lagu dhaariyay Guddoomiyaha Cusub ee Maxakmadda sare ee dalka Dr Ibraahim Iidle Suleymaan oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Somalia, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, wasiirka Cadaalada, wasiir-u-dowlaha Madaxtooyadda, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Taliyeyaasha Booliiska iyo Nabad-sugidda.

Madaxweynaha MaxkamaddaMadaxweynaha Somalia oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadda dhaarinta ayaa faray dhammaan hay’dahaha Dowladda Soomaaliya inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee maxakmadda sare.

“Wasaaradda Cadaaladda, Xeer-ilaalinta iyo Hay’adaha Amaanka waxaan farayaa in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha Cusub ee loo magacaabay Maxkamadda sare ee dalka. Waxaan Rajerynayaa in shacabka Soomaaliyeed tabashooyinkii uu ka qabay garsoorka in badan oo ka mid ah xal loo heli doono, Waxaan Guddoomiyaha cusub ku bogaadinayaa inuu wajaho Tabashooyinbka ay Shacabku ay Qabaan,” ayuu yiri Madaxweynaha .

Madaxweynaha Maxkamadda.jpg3Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiiri-geliyay guddoomiyaha cusub, isagoo u Ballan-qaaday in Dhammaan Hay’adaha Dowladda ay kala shaqeyn doonaa Hawlaha loo egmaday.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Xanaf, isagoo isla maanta xilkaas u magacaabay, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: