Advertisements

Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya oo maanta kala saxiixday heshiis la xiriira soohdimaha labada maamul

M. jigjiga iyo GalmudugWadahadallo socday dhowr maalmood Kaddib waxaa maalmihii u dambeeyay Jigjiga ku lahaayeen madaxweynaha maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo Dhigiisa Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxaa lagu Guuleystay in ugu dambeyn ay maanta madaxda heshiis kama dambeys ah ka gaaraan shaqaaqooyinkii ka dhacay soohdinta labada maamul u dhexeysa.

Wadahadallada labada dhinac ayaa intii ay socdeen waxaa kaalin ka qaatay madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam iyo Masuuliyiin kale oo ka socday dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mas’uuliyiintan ayaa xusay inay heshiis ka gaareen shaqaaqooyinkii dhacay iyagoo ballan-qaaday in ay ka hortagi doonaan wax walba oo khilaaf abuuri kara.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: