Advertisements

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta ka doodaya meel marinta hanaanka doorashada dalka ee sanadkan 2016.

Baarlamaanka.JPG5Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya meel marinta hanaanka doorashada ee dalka sanadkan 2016, iyadoo kulanka Baarlamaanka uu hortagayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah habdhowraha baarlamaanka Federaalka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in mudanayaasha ay ka doodayaan hanaanka doorashada ee uu dhawaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u gudbiyay baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Xildhibaanada waxa ay ka doodayaan hadal jeedinta Ra’iisul wasaaraha ee baarlamaanka ka horjeediyay hanaanka doorasho ee dalka kalfadhiga 8aad, waxaana mudanayaashhu ay Ra’iisul wasaaraha su’aalo ka weydiinayaan meelaha ay u arkaan inay mugdi ku jirto” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Kulanka baarlamaanka ee maanta oo uuu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Xildhibaanadu waxa ay guda galeen ka doodista hanaanka doorasho ee dalka, oo uu dhawaan baarlamaanka horgeeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaannada baarlamaanka ee maanta aragtidooda dhiibtay oo gaarayay ilaa iyo 30 mudane, ayaa waxa ay qaarkood soo jeediyeen in barnaamijka doorashada dib loogu celiyo Xukuumadda oo ay u soo sameyso jadwal, halka qaar kale oo ka mid ah Xildhibaananda ay soo jeediyeen in arrintan loo saaro guddi ka tirsan baarlamaanka oo soo saxo qoraalka, kadibna golaha loogu soo celiyo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa macneeyay hadal dadka qaarkii ay si qalad ah u fasirteen, kaasi oo uu ku sheegay in uu ahaa in Xilliga doorashada labo bil ka hor jiritaanka baarlamaanka la soo afmeero.

Kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa weli harsan oo aan aragtidooda dhiiban 40 Xildhibaan, kuwaasi oo beri aragtidooda dhiibanaya, waxaana ay ka doodayaan hanaanka doorasho ee dalka.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: