Advertisements

Ra’iislasaaraha federaalka Soomaaliya oo Xildhibanaadda Baarlamaanka u akhriyey qorshaha Xukumadda ee doorashoooyinka dalka.

RCCC.jpg4a’iisul wasaaraha xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid, ayaa maanta hor-geeyay hananka  geedi socodka doorashooyinka  sanadkaan  2016 ka la filayo in ay  Soomaaliya ka dhacdo  ayaa lagu go’amiyey shir heer Qaranka  oo qabsoomay  magalooyinka  Muqdisho iyo Kismaayo  kuwas oo ay hormuud u ahayd Xukumadda Fderaalka Soomaaliya.

CCC.jpg5Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta barlamaanka  u gudbiyey qorshaha Xukumadda  ee doorashooyinka  dalka  ee sanadkan ,waxaana ka mid ah in aqalka hoose ee Barlamaanka uu ka kooban doono 275 Xildhibaan kuwaasi oo lagu soo xuli doono hananka beelaha ee 4.5,  aqlka sare ee barlamanka   oo isna ka koonan doono 54 mudane ay ku imaanayaan  6da  mamaul goboleed ka jira dalka , isla markaana hawenku ku yeshaan %30  golle kasta, iyadoo doorashada ay ka dhaceyso caasimadda dowlad goboleedyada jira, marka laga reebo maamulka Somaliland.

Ra’iislasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke oo  Xildhibanaadda u akhriyey qorshaha Xukumadda  ee  doorashoooyinka dalka  ayaa tilmaamay in hanankaan doorasho uu ku yimid wada tashi loo dhan yahay , isagoo  golaha shacabaka ka dalbaday  in  ay meel mariyaan.

CCC.jpg6Guddoomiyaha  Barlamaanka  Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa  Xildhibanada ka  maqan  kalfadhigaan 8aad  u diray dignin ku aadan in   ay beesha iyo guddiyada  doorashooyinka ee soo xulay u gudbin doonaan  warbixin ah in uu gudan waayey waajibkiisa Xildhibaanimo.

Qorshaha doorashooyinka  2016ka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ay maanta u gudbisay golaha shacabaka  ayaa  guddoomku barlamaanku waxa uu Xildhibanaada siiyey in maalinta berito ah ay  soo aqristan  , hadii uu Alle idmanadda maalinta Isniinta  la guda geli doono  dooda  qorshaha  Xukuumadda ee doorashooyinka.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: