Advertisements

Wasaaradda Caafimaadka oo sheegtay in Dalka Soomaaliya aysan ka jirin hay’adaha hubinta Tayada iyo taariikhda daawooyinka la keeno wadanka.

DaawoWasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in Dalka Soomaaliya aysan ka jirin  hay’adaha hubinta Tayada iyo taariikhda daawooyinka la keeno wadanka, kuwaas oo dalka la soo geliyo iyadoo taariikhdoodu ay dhacsan tahay.

 

Deeq Daawo.png1Alaabta laga keeno dalka dibaddiisa, gaar ahaan Cuntada iyo Daawooyinka oo aan wanaagsaneyn ayaa laga dhaxlaa Cudurrada, waxaana  suurta gal ah in uu qofka ka qaado xanuun hore leh dhowr isku dayo oo la sameeyay ma aysan suurta galin in lagu guuleyso hubinta daawooyinka lagu iibiyo goobaha ganacsiga tayo iyo taariikh ,basle ganacsatada oo ah dadka ugu horeeyo ee leh kaalinta qaadashadda bad-qabka caafimaad ee dadka ayaa ah in ay ka fikiraan waxyaaba ay bulshadooda ka iibinayaan.

Wasaarada Caafimaadka ee xukuumadda soomaaliya ayaa sheegtay in ay wado qorshe wax looga qabanayo daawooyinka dhacay ee dalka lasoo galiyo iyo kuwa ay tayadooda hooseyso.

Wasiir ku xigeenka wasaarradda Caafimaadka Cismaan Cabdi Daallo ayaa sheegay in ay la xisaabtan joogta ah ay la sameynayaan dadka daawooyinka soo degsado .

“Wasaarada caafimaadka waxa ay u diyaar garowday in daawooyinka tayadooda la hubiyo lana Hawl-galiyo Sheybaarkii guud, waan la xisaabtami doonnaa kuwa dalka soo geliya daawooyinka dhacay.”

Ugu dambeyntii, Waqti hore ayay aheyd in wasaaradda caafimaadka ay keento qorshe lagu hubiyo daawooyinka tayadooda iyo taariikhda la isticmaali karo waa muhiim in muwaadiniinteenu ay helaan daawooyin caafimaadkooda aanan waxba u dhimi karin.

SomaliSwiss                Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: