Advertisements

Roobab Mihigaan ah oo dadka iyo duunyada ku diirsadeen oo xalay ilaa iyo saaka ka da’ay deegaannada badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Roobab Mihigaan ah oo dadka iyo duunyada  ku diirsadeen oo xalay ilaa iyo saaka ka da’ay deegaannada badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaasi oo ka mid ah meelaha uu saameeyay abaarihii dalka ku dhuftay.

Goobaha uu roobka sida xoogan uga da’ay ayaa waxaa ka mid ah deegaanno ku yaalla bariga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduudd, halkaasi oo maalmihii dhawaa ay fuustaha biyaha gaartay 240, 000 (Labo boqol iyo afartan kun) shilling Soomaali ah.

Wariyeyaasha warbaahinta Qaranka ee gobolka Galgaduud ayaa ku soo waramaya in deeganno badan oo ka tirsan gobolka uu ka curtay roobabka gu’ga, iyadoo uu saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

SomaliSwiss         Dhuusamareeb

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: