Advertisements

Dad tahriibayaal ah oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 400-qof oo dooni kula dagtay badda Mediterranean-ka.

Tahriib.jpg1

War naga soo gaaray dalka Masar ayaa sheegaya in doon ay la socdeen in ka badan 400-qof oo tahriibayaal ah oo tagtay dalka Masar ay ku dagtay badda Mediterranean-ka, iyadooaan la ogeyn illaa hadda tirada dhimashadu inta ay le’eg tahay.

Tahriib.jpg2Safaaradda Somalia ee dalka Masar ayaa xaqiijisay in doontu degtay, balse aan la ogeyn tirada inta dhimatay, tirada ay Soomaalidu ka yihin. Tahriibayaashan ayaa la sheegay inay ku socdeen dalka Masar.

Turjubaan Somali ah oo ku sugan dalka Giriiga oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in 41-tahriibe oo Somali ah la badbaadiyay, maanta la billaabay in la raadiyo maydadka.

Baraha ay Bulshadu ku xiriirto, ayaa lagu baahiyay Sawirrada dhallinyaro la sheegay inay ka mid ahaayeen kuwii ay doonidan la dagtay, kuwaasoo aan la ogeyn illaa hadda inay dhinteen iyo inay nool yihiin.

Sidoo kale, Faadumo Cabdi Diiriye oo ay ehel ahaayeen dhibbanayaasha ay la dagtay doonida qaarkood ayaa sheegtay in saddex wiil oo ay qaraabo yihiin la xaqiijiyay inay dhinteen, ay sheegtay in kuwaas oo ay ku wada noolaayeen Qaahira, sidaas waxay Faadumo u sheegtay BBC-da.

Dhanka kale Dowladda Federaalka  Somalia ayaa ka hadashay Geerida ugu yaraan 200 oo Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ay dooni kula dagtay badda Mediterranean-ka, kuwaas oo ka Ambabaxay dalka Masar kuna socday dalka Talyaaniga.

Tahriib.jpg1Tahriibayaashan Soomaliyeed ayaa waxay ka mid ahaayeen illaa 400 oo qof oo ay dooni ka qaaday xeebaha Waddanka Masar kuna socday  Talyaaniga, balse kula dagtay bartamaha Badweynta, halkaas oo ay intooda badan ku dhinteen.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray maanta ku sheegay inuu qoysaska iyo ehellada dhallinyaradan Soomaaliyeed uu uga tacsiyeynayo geeridii ku timid

“Waxay dhallinyaradan ka baxeen Somali oo dhan, waana arrin murugo leh in dhalinyaradeena ay safaradaasi khatarta ah naftooda ku waayaan,” ayuu ku yiri madaxweyne Xasan Warbixintiisa, isagoo intaas ku daray inuu shilkaan muujinayo baahida loo qabo in la kordhiyo wacyi-gelinta la xiriirta ka hor-taga tahriibka iyo safarrada khatarta ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale yiri. “Inkastoo Waddanka ay ka jiraan Duruufo adag, haddana loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed, Waaliddiinta iyo Dowladda Soomaaliya ay ka Wada-shaqeeyaan sidii loo hakin lahaa Safarradaan khatarta ah ee Dhalinyaradeenna ay ku dhammaanayaan, lagana shaqeeyo in fursado loo abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed.”

Dhanka kale, Waxaa geerida 200 ee dhallinyarada Soomaaliyeed ah ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tacsi u diray ehellada dhallinyaradii naftooda ku waayay shilkaas, Allena uga baryay inuu Jannadiisa ka Waraabiyo.

“Guud ahaan Madaxda Qaranka Soomaaliya, iyagoo aad uga Tiiraanyeysan 200 ee dhallinyarada ah ee ku geeriyooday badda Mediterranean-ka, kuwaas oo u badnaa dhallinyaro, waxay tacsi u dirayaan ehelladii iyo Soomaalida oo dhan, waxaana dhallinyaradan ay ka baxeen dalka Masar,” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Maxamad Cabdi Xayir [Maareeye].

TahriibInkastoo laga baqdin qabo in Soomaali badan ay ku dhinteen shilkan, ayaa haddana wuxuu ksoo beegmayaa iyadoo ay maanta sanad laga joogo markii 800-qof oo tahriibayaal ah ay mar qura ku geeriyoodeen badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Ugu dambeyn, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Somalia iyadoo la kaashaneysa Dalalka ay Arrintu khuseyso, ay baareyso sidii uu ku dhacay shilkan. Sidoo kale Safaaradaheenna Masar, Talyaaniga iyo Brussels ayaa ku hawlan soo ururinta Xogaha la Xiriira shilka iyadoo Bulshada Soomaaliyeed la wadaagi doonnaa wixii ka soo baxa baaritaannada socda..

SomaliSwiss        Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: