Advertisements

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb-galay shir sanadeedka Hay’adaha Lacagta Adduunka oo furmay magalada Washinton ee dalka Mareykanka.

W. Maaliyadda.jpg3Shir sanadeed oo ay soo qaban qaabiyeen Bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta dunida ee IMF ayaa ka furmay magalada Washinton ee dalka Mareykanka kaasi oo ay ka  qeyb galeen wafuud kala duwan oo ka kala socota dowladaha caalamka.

W. MaaliyaddaDowladda Soomaaliya ayaa shirkani waxaa uga qeyb galay wefdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Max’ed Aadan Ibrahaaim Farkeeti ayadoo diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha caalamka, iyo arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarka ay ku talaabsanayso dowladda Soomaaliya.

W. Maaliyadda.jpg1Wasiirka Maaliyadda Prof. Max’ed Aadan Ibraahim Farkeetei ayaa ka hadlay muhiimadda uu Soomaaliya  u leeyahay heshiis dhawaan ay la galeen hay’adda lacagta aduunka IMF oo ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deymaha.

Shirkan sanadlaha ah ayaa socondoona mudo maalmo ah ayadoo la filayo in natiijooyin wax ku ool ah   ay ka soo baxaan marka laga hadlaya arrimaha Soomaaliya,  oo ka mid ah ajandayaasha ugu muhiimsan ee shirkani looga hadlayo.

W. Maaliyadda.jpg2SomaliSwiss   Washinton

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: