Advertisements

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Maanta Barqadnimadii gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta Waddanka Itoobiya.

Madaxweyne Xasan ItoobiyaMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta Waddanka Itoobiya, isagoo uga gudni doona degmada Baxar-daar oo uu uga qayb-gelayo doona shirkii shanaad ee madasha Amniga Qaaradda Afrika oo berri furmaya.

Shirkaan, ayaa looga hadli doonaa kaalinta Qaaradda Afrika ee Amniga Dunida iyo Hawl-gallada Ciidamada Nabad-ilaalinta ah. Waxaana ka qayb-geli doona mas’uuliyiin ka socda Caalamka iyo Qaaradda Afrika.

Kulankaan, ayaa kulmiya Madaxda Afrika, laamaha iyo ururrada caalamiga ee dhanka Amniga, khubarro iyo hay’ado kale. Waxaa madaxda Afrika isku-dhaafsadaan fikrado la xiriira sida mashaakilka Afrika loogu heli karo xal Afrika ay leedahay, gaar ahaan arrimaha amniga.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa ka soo duulay magaalada Khartuum xarunta dalka Suudaan, halkaas oo uu booqasho rasmi ah ku joogeen muddo laba maalmood ah.

SomaliSwiss   Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: