Advertisements

Xildhibaan Saciid Cabdullaahi Deni oo shaaciyey inuu u taagan yahay xilka Madaxweynenimada ee doorashada Soomaaliya ee 2016ka.

Musharrax.JPG1Waxaa Hotelka Laico Regency magaalada Nairobi  ee dalka Kenya maanta lagu qabtay Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Mudane Saciid Cabdullaahi Deni  oo ah murashax u taagan xilka Madaxweynenimada ee doorashada Soomaaliya ee 2016ka.

Musharrax.JPG2Mudane Saciid ayaa ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo xildhibaan ka ah baarlamaanka federaalka Soomaaliya wuxuuna horay u ahaan jiray wasiir isla dawlada Soomaaliya. Sidoo kale ayaa waxaa uu in badan kusoo dhex jiray hawlo ganacsi dalka iyo dibada intaba.  

MusharraxXaflada yaa waxaa kasoo qeyb galay aqoonyahano, waxgarad, haween, dhallinyaro, siyaasiyiin, xildhibaano kasocday baarlamaanada dalalka Soomaaliya iyo Kenya iyo qeybo kale oo bulshada ah kuwaasoo in badan ay halkaa khudbado kasoo jeediyeen ayna ka codsadeen ummada Soomaaliyeed inay midnimo ku taageerto murashaxaan maadama uu yahay daacad una qalmo xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya inuu qabto, waa sida hadalka loo dhigaye.

Mr. Saciid Cabdullaahi Deni oo ugu dambeyntii masraxa soo istaagay isla markaana ka jeediyay khudbad ayaa shaaca ka qaaday inuu xilka madaxweynenimo ee doorashada sanadkaan 2016 u taagan yahay isla markaana soo bandhigay ama ka faalooday waxqabadkiisa horumarineed ee hadii xilkaa loo doorto uu la damacsan yahay inuu dadka iyo dalka u qabto.

SomaliSwiss           NAIROBI

sOMALIsWISS@HOTMAIL.COM

Advertisements
%d bloggers like this: