Advertisements

Warbaahinta dalka Jarmalka oo sheegtay in Baarlamaanka dalkaas ay ansixiyeen in ciidamada militariga Jarmalka ay ka howl-gali doonaan Soomaaliya iyo Mali.

Germany ArmWar lagu baahiyey shalay qaar ka mid ah Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa sheegaya in baarlamaanka dalkaas uu ansixiyay qorshe ay hawlo militari uga bilaabayaan ciidamada militariga ee dalkaasi, wadanka  Soomaaliya iyo Mali.

Warku wuxuu intaas uu raaciyey in ciidamadaas ay si gaar ah ay hawlo militari ah ka bilaabayaan Mali iyo xeebaha Soomaaliya sida uu sidoo kale sheegay afhayeenka dawlada Jermalka Arbacadii shalay ahayd.

Ciidamada Jermalka ee meelahaa la geynayo ayaa waxaa ay hoos imaanayaan EU ama Midowga Yurub oo dammaanad qaaday ilaa laga gaaro bisha 5aad ee sanadka 2017, waa sida lagu xusay warbixino dawlada dalkaasi Jermalku leedahay.

 “Baarlamaanka dalkaa ayaa go’aansaday inuu dheereeyo mudada  Bundeswehr [ciidanka Jermalka] ee burcad badeeda kuwajahayay biyaha badda ee Soomaaliya iyo in [sidoo kale] la taageero  Mali,” Steffen Seibert oo ah afhayeenka dawlada Jermalka ayaa sidaa yiri.

ciidanka Jermalka ee loogu yeero Bundeswehr ayaa waxay roondo ilaalin ah ka wadeen badda Soomaaliya si maraakiibta ganacsiga ay uga badbaadiyaan burcad badeeda tan iyo sanadkii 2008.

SomaliSwiss       Barlin

SomaliSwiss@hotnail.com

Advertisements
%d bloggers like this: