Advertisements

Aas-aaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya (12 Abriil) oo maanta laga xusay dalka oo dhan.


CXDS.JPG8Munaasabad lagu xusyo maalinta ciidanka xoogga dalka ayaa maanta Maalinta lagu qabtay Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dalka, iyadoo waddooyinka magaalada Muqdisho ay inta badan ay xiran yihiin, loona diiday inay sticmaalaan gaadiidka iyo dadka. HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE:

Ciidanka AsluubtaSanad walba 12-ka Bisha Abriil ayaa laga xusaa Somalia Maalinta Ciidamada xoogga Dalka, iyadoo tan iyo shalay laga dareemayay Muqdisho isku diyaarinta xuskan.

Waddooyinka xiran ayaa saameyn ku yeeshay isu isku socodka dadweynaha, waxaana fasaxan qaar ka mid ah iskuullada Muqdisho, inkastoo kuwa kale ay furan yihiin, balse ay ardaydu tegi waayeen.

Sidoo kale, Millateriga Somali ayaa la filayaa inay dhoolatus iyo gaada ka ciyaar ku soo bandhigaan xuska aas aaska ciidamada xoogga dalka ee ka soo wareegatay 56-guuradii.

Xuska Ciidamada Xoogga Dalka.JPG8Munaasabada ayaa waxay ka socotaa Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia, halkaasoo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa maamulada dalka ay kaga qayb-galayaan xuska, sidoo kale Saraakiil ka tirsan AMISOM iyo kuwa kale ayaa ka qeyb geli doona.

CXDS.JPG5CXDS.JPG7CXDS.JPG1CXDSCXDS.JPG3CXDS.JPG2CXDS.JPG6SomaliSwiss                Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: