Advertisements

Qarax xoogan oo Maanta ka dhacay dhabarka danbe ee xarunta dowladda hoose ee Xamar

Dowladda Hoose.jpg4Waxaa maanta  magaalada Muqdisho ka dhacay Qarax xoogan kaas oo lagu fuliyey dhabarka danbe ee xarunta dowladda hoose ee Xamar “Ufficio Governo”.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo oo ku qarxay dhabarka danbe ee xarunta Ufficio Governo. war kooban oo kasoo baxay waasaradda amniga ayaa sheegtay in qaraxu uu ahaa mid aad u xoogan.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha uu qaraxaasi geystay, iyadoo qaraxa kadibna rasaas goos goos la maqlay.

Ufficio Governo ayaa waxaa ku yaal xafiisyada ay ku howlgalaan shaqaalaha iyo maamulka gobolka Banaadir waxaana fadhiisto Duqa Muqdisho, kuxigeenadiisa, shaqaalaha iyo Agaasimayaasha, waana xarun aad ammaankeeda loo ilaaliyo. 

SomaliSwiss                    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: