Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u furay kal-fadhigii 8-aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya.jpgzMadaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay kal-fadhigii Sideedaad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kal-fadhigan oo ah kii ugu dambeeyay ee baarlamaanka uu yeelanayo tan iyo intii uu jiray.

Barlamaanka Soomaaliya.JPG3Ugu horreyntii waxaa Kulanka khudbad ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlmaaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wuxuuna u sheegay in xildhibaannada baarlamaanka Somalia looga baahan yahay inay hawlahooda dar-dar-geliyaan, si hawlaha horyaalla ay u soo gaba-gabeeyaan.

Mudane Jawaari ayaa sheegay inay jiraan Cabashooyin kaga imaanaya Shacabka oo uu xusay inay yihiin kuwo ay kaga cabanayaan Maxkamadaha, Wuxuuna si aad ah ugu baaqay inay tahay wax laga qabto cabashada ka imaanaysa shacabka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Barlamaanku ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in kal-fadhigan uu yahay midkii ugu adkaa ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya soo maray muddadii uu jiray, muddada ay ku gudo-jiraanna ay tahay inay hawlo-badan oo horyaalla ay meel-mariyaan.

“Hawlaha Muhiimada leh ee aan doonayno inaan qabanno waa kuwo aad u fara badan, kal-Fadhiggaanna waa kii ugu adkaa, Waxaana nalaga doonayaa inaan la imaanno Wax-qabad. Sida inaan Waddankaan gaarsiinno doorasho iyo in dib u eegis dhameystiran lagu sameeyo dastuurka dalka,” ayuu yiri Jawaar.

Guddoomiyuhu wuxuu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud oo hadalkiisu uu ahaa mid aad u kooban, Wuxuuna ku ammaanay Hadalladii uu Goobta kasoo jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia.

“Waa dhab inay jiraan waxyaabo badan oo naga qaldamay, balse waxaannu wixii naga qal-damay ka kororsannay waayo-aragnimo aan wax badan oo maanta jira ku sixi karno,” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in loo baahan yahay in ay dalka gaarsiiyaan doorasho, isagoo sheegay in qorshaha dowladda la soo dooran doono sannadkan dhammaadkiisa ay u taallo hawl ah inay doorasho qof & cod ah gaarsiiso dalka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in kal-fadhigii Siddeedaad ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu furan yahay, lagana dhawrayo Xildhibaannada in ay kasoo dhalaalaan hawlaha horyaalla.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: