Advertisements

Degmooyinka Waaberi iyo Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir oo Caawa fiidnimadii ku dhacay hoobiyeyaal.

MuqdishoWar Caawa naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyooday, halka 12-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray, kadib hoobiyeyaal fiidnimadii Caawa ku dhacay Xaafado ka tirsan degmooyinka Waaberi iyo Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.

Muqdisho1.jpg1War Caawa naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyooday, halka 12-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray, kadib hoobiyeyaal fiidnimadii Caawa ku dhacay Xaafado ka tirsan degmooyinka Waaberi iyo Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda deqeyntan, ayaa haddana waxaa lagu soo beegay xilli habeen ah, iyadoo madaafiicdan oo illaa lix xabo ahaa ay qaarkood ku dhaceen Agagaarka Iskoolka Raage Ugaas oo u dhexeeya Xamar-jajab iyo Waaberi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen maydadka afar qof oo shacab ahaa iyo dhaawaca tobaneeyo kale, waxaana duqeymahan ay imaanayaan xilli maalmo ka hor hoobiyeyaal lala beegsaday Madaxtooyada Somalia ay ku dhaceen xaafado ka tirsan Degmada Wardhiigley, kuwaasoo khasaare geystay.

Dadkii dhaawacmay, ayaa waxaa loola cararay isbitaallada Muqdisho, iyadoo uu Argagax weyn uu lasoo darsay dadkii ku noolaa xaafadaha ay hoobiyeyaashu ku dhaceen Caawa.

Al-shabaab ayaa sheegatay weerarro duqeymo ah oo tan iyo billowgii sannadkaan lagu jiro lagu soo weeraray Muqdisho, gaar ahaan madaxtooyada Somalia, balse ku dhacay xaafado ku dhow, geystayna khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: