Advertisements

Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland oo Maanta ka Furmay Shir ku saabsan arimaha gargaarka baniaadminimada.

Un Geneva
Waxaa maanta magaalada Geneva ee dalka Switzerland ka Furmay shir muhiim ah oo ku saabsan arimaha gargaarka baniaadminimada.

Shirkan ayaa wuxuu ku saabsan yahay kala dhimanaanshiyaha arrimaha gargaarka. Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galaya wakiilo ka socda ururada aan dawliga ahayn, QM iyo waliba wakiilo ka socda Bisha Cas iyo Laankheyrta Cas.

UN Genevé.jpg1

Hayadahaas ayaa waxay sidoo kale ka tashanayaan sidii loo dardar galin lahaa isla markaana loo nidaamin lahaa waxqabadka hayadaha gargaarka. Shirka ayaa waxaa looga maqsuudayaa kala duwanaanshiyaha asxaabta gargaarka fidisa ee caalamka ayadoo loo garawsaday inay tahay agab looga faaiideysan karayo in urur walba ururka kale waxa ka dhimman uu dhammaystiro.

Waxyaabaha qiimaha weyn ee qiyamka wanaagsan ee looga niqaashi doono shirkaan maanta kafurmay Geneva ayaa waxaa ka mid ah dhisida awoodaha waxqabad ee dadyowga iyo ururada aan dawliga ahayn ee maxaliga ah.

Waxaan meesha ka marnayn in loo baahan yahay in laga wada niqaasho isbaddal siyaasadeed oo caalamka ka dhaca isla markaana wanaag u baddala dhibaatooyinka haatan taagan ee ah qaxa iyo isdilka iyo dababka ka holcaya qeybo badan oo caalamka ah si dabadeed sare loogu qaado dhaqamada dhowra ama ilaaliya baniaadminimada ugu dambeyna in laga shaqeeyo sidii inta looga baxo gargaar fidinta loo daboolo baahiyaha jira intooda badan.

Shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga  Caalamiga ah ee Hayadaha Iskaa Wax-u-qabsada Kushaqeeya ama International Council of Voluntary Agencies (ICVA)

SomaliSwiss            Geneve

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: