Advertisements

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb galay Munaasibad lagu xusayay sanad-guurada Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

SNTV.png1Xaflad lagu xusayay sanad guurada Telefishinka qaranka Soomaaliyeed oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud,wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, agaasimaha guud ee wasaaradda, agaasimeyaasha waaxiyaha wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

SNTV.pngAgaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta mudane C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) ayaa xafladda ka sheegay in munaasibadan ay tahay  mid lagu xusayay sanad guuradii 33 aad aas aaska Telefishinka qaranka iyo sanad guuradii 5 aad ee dib u howlgelinta  TV, isla markaana wasaaradda horumar badan ku talaabsatay.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in mudadii la soo dhaafay ee sanadka aheyd wasaaradu ay soo kordhisay in Telefishinka qaranka si toos ah barnaamijyada iyo wararka loo tabiyo, isagoo sheegay in markii ugu horeysay fadhiyada baarlamaanka si toos ah looga soo tabiyo xarunta golaha shacabka.

Wasiir maareeye ayaa sidoo kale tilmaamay in wasaaradu ay dib u soo nooleysay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee (SONNA) isla markaana la tayeyn doono shaqada guud ahaan wasaaradda ay u heyso shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxmauud oo munaasibada xaflad ka jeediyay ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay shaqaalaha Telefishinka qaranka Soomaaliyeed shaqada ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab isku dayayaan in ay indhaha iyo dhagaha tiraan Soomaaliya isla markaana warfaafinta Soomaaliyeed u taagan tahay dhismaha iyo horumarka dalka.

SNTV.png2.pngMudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa sheegay in saxafiga Soomaaliyeed waxa wada oo ka shaqeysiiya in aysan aheyd wax maadi ah isla markaana ay tahay dareen wadaniyadeed sidaa darteedna looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan waxyaabaha wanaaga u leh dadka iyo dalka.

Madaxweynaaha ayaa carabka ku dhuftay in Telefishinka iyo Raadiyaha qaranka ay yihiin kuwii ka adkaaday fikirka wax duminta ku dhisan ee Al-shabaabnimada ah isla markaana ay tuseen in aysan shacabka u afduunaanin afkaarta khaldan ee kooxdaasi.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa si aad ah u amaanay shaqada wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay in wasaaradda ay kamid aheyd meelihii yeraa oo ka bad baaday burburkii ka dhacay dalka lana abaalmarin doono dadkii howshaas qabtay.

”Ma jiri doono qof cabsi gelin kara saxafi si taa lamid ahna ma jiri doono saxafi ku xadgudbi kara qof kale, saxaafadda hadda waa ay ka wanaagsan tahay shantii sano ee la soo dhaafay” ayuu yiri madaxweynaha dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale khubadiisa ku soo hadal qaaday ahmiyadda wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA, isagoo sheegay in wakaaladdu ay tahay mid qiimo weyn u leh qarankan in ay dib u soo laabatana ay ka dhigan tahay guul la gaaray.

“In Telefishinka laga daawado shanta qaaradooda ee dunida waa horumar maxaa yeeley meel kasta oo caalamka kamid ah Soomaali ayaa ku nool in ay wax dalka ka socda ogaadaana waa muhiim,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha.

Ugu dambeyntii madaxweynaha iyo wasiirka warfaafinta ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay qaar kamid ah howlwadeenada wasaaradda kuwaas oo howl karnimo muujiyay.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: