Advertisements

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo maanta Xafiiskiisu ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar.

Madaxweynaha iyo Masar.jpgMadaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisu ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar, isla markaana u qaabilsan arrimaha Afrika Mudane Maxamed Idris.

Intii uu kulanku socday ayuu Madaxweyne Xasan ka mahad-celiyay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada waddan ee Masar iyo Somalia iyo sida ay labada dhinacba diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirkooda.

Labada wadan ayaa waxay iska-kaashan doonaan dhinacyada Caafimaadka, waxbarashada, beeraha, ganacsiga, amniga iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha iyo Masar.jpg1Sidoo kale, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Waddanka Masar ee arrimaha Afrika, Maxamed Idris ayaa sheegay in dalkiisu uu gacan ka geysan doono dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, kuklankan waxaa goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Cali Kadiye, Taliyaha Booliiska Somalia, Jen. Maxamed Sheekh Xasan iyo Mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka kala socoday.

SomaliSwiss       Muqdisho

 SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: