Advertisements

Magaalada London ee dalka Britain oo lagu qabtay kulan ay ka soo qayb-galeen bahda Warbaahinta Soomaaliyeed ee ku nool qaar ka mid ah dalalka Qaaradda Yurub.

Kulan Warbaahin.jpg1Waxaa Magaalada London ee dalka Britain lagu qabtay kulan ay ka qayb-galeen bahda Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku kala nool qaar ka mid ah Dalalka ku yaalla Qaaradda Yurub.

Kulan Warbaahin.jpg2Kulankan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa shaqsiyaad magac ku dhex leh bahda Warbaahinta iyo xubno ka  tirsan bulshada Soomaaliyeed. Iyadoo ujeedka kulankaan lagu sheegay sidii fikrado iyo talooyinba loogu biirin lahaa bahda Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ee uu Muranku ka dhex-taagan yahay.

Wariyeyaasha kulankan ka qaybgalay ayaa sheegay inay dhex-dhexaad ka yihiin khilaafka, isla markaana ay doonayaan sidii loo xallin lahaa muranka u dhaxeeya Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed.

Suxuufiyiintii kulankan goob-joogga ka ahaa ayaa waqti ku bixiyay geliyay sidii fikir iyo talooyin ay ugu heli lahaayeen xallinta khilaafka jira, ay dhinacyadu u wadaagi lahaayeen maamulka ururka.

Intii uu kulankan socday ayaa la isku dhaafsaday fikrado iyo aragtiyo looga gol-lahaa sidii lagu mideynta lahaa bahda Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed. Waxaana laga soo saaray gunaanadkiisii baaq tallooyin ah oo ka kooban shan qodob oo kala ah:

  1. In dib u eegis lagu sameeyo sharciga u yaalla Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ, si loo helo sharci dhameystiran oo aan mar kale keenin ama khilaaf kale aan sababin ama isku dhaca kale oo soo dhex-gala.
  2. In Muqdisho lagu qabto kulan ay kawada Qayb-galaan wakiillo metela dhammaan bahda Warbaahinta dal iyo dibaddiisa.
  3. In doorasho cadaalad ah la qabto – oo qofka lagu soo dooranayo Aqoontiisa.
  4. In Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo Doorashaduba ay noqdaan kuwo ka madax-bannaan Dowladda Soomaaliya iyo Ururrada Siyaasadda ee dalka ka jira.
  5. In Xilliga doorashada Ururka dib loo dhigo si loo helo Waqti lagu saxo khilaafka taagan.

Ugu dambeyn, Dhammaan qodobada kor ku xusan ayaa ah qodobbo ay si Wadajir ah ay u wada-gaareen Wariyeyaashii iyo xubnihii kale ee kulanka lagu qabtay Magaalada London ee xarunta Britain goob-joogga ka ahaa.

SomaliSwiss       London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: