Advertisements

Ciidamada AMISAM iyo Kuwa Kumaandooska Soomaaliya oo si wadajir ah howlgal uga fuliyeen deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

AMISOMCiidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen maanta in Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay howlgal ay si wadajir xalay u fuliyeen deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose, ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliyaha AMISOM ee Qaybta 1-aad, Jen, Sam Okiding ayaa xaqiijiyay in hogaamiyaha ay dileen lagu magacaabi jiray, C/rashiid Buq-dube, isagooo xusay in hawlagalkaas lagu dilay 22 xubnood oo kale oo ka tisranaa Al-shabaab oo la socday hoggaamiyahan sare.

“Hawl-galkaan lagu dliay Sarkaalkan iyo xubnaha kale ee Al-shabaab ka tirsan ayaa isugu jiray duqeyn cirka ah iyo kuwo dhulka ah oo ay wadajir u fuliyeen ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia,” ayuu yiri Jen. Sam Okiding.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay, in tiro kale oo ka tirsanaa Al-shabaab, lagu dilay iyagana hawlgallo kale labadii maalmood ee u dambeeyay kaddib markii ay isku dayeen inay hor-istaagaan oo ay arbushaan ciidamada AMISOM iyo kuwa DF oo waday hawlo horumarin ah oo ay ka mid yihiin; dayactirka ceelasha iyo nadiifinta waddooyinka. 

“AMISOM iyo Ciidanka DF Somalia, waxay sii wadi doonaan Nadiifinta Waddooyinkaan, iyadoo illaa hadda la dhameystiray laba wado oo muhiim ah: Mid ka mid waxay isku-xirtaa Beledul-amiin iyo Qoryooley, halka tan labaad ay isku xirto Beledul-amiin & Shalanbood. Waxaan hadda nadiifineynaa tan isku xirto Buufow iyo Jannaale, halkaasoo ay Al-Shabaab iska caabin kala hor-yimaadeen ciidamada,” ayuu hadalkiisa ku daray Jen. Okiding.

Wuxuu Jen. Sam Okidin intaas ku daray in ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ay sii wadi donaan inay Al-shabaab ka saaraan deegaanada ay haystaan ee ku xeeran Janaale, si Dadka deegaanadaas looga xoreeyo cadaadiska Alshabaab.

“Al-shabaab isma qarin karaan… waana wadi doonaa inaan u diidno inay helaan goobo ay ku badbaadaan si shacabka looga xoreeyo kooxaha argagixisada,” ayuu kusoo gunaanaday hadalkiisa Jen. Sam Okiding.

Ugu dambeyntii, Hadalkaan kasoo baxay AMISOM ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu madaxweynaha Somalia sheegay habeen hore in ciidanka DF Somalia iyo kuwa AMISOM ay billaabeen hawl-gallo ka dhan ah Al-sabaab.

SomaliSwiss       Marka Caddey

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: