Advertisements

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo gelinkii danbe ee maanta kula kulmay magaalada Roma ee wadanka Taliyaaniga Taliyaha ciidanka Carabinieri Talyaaniga.

Taliyaha Booliska.jpg3Taliyaha Ciidanka boliiska Soomaaliyeed Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa gelinkii danbe ee maanta kula kulmay magaalada Roma ee wadanka Taliyaaniga Taliyaha ciidanka Carabinieri Talyaaniga Gen. Tullio Del Sette iyo Gen Ilio Ciceri Abaanduulaha Ciidanka Carabinieri iyagaa ka wada hadlay Xiriirka Labada Ciidan, taageerada Talyaaniga Boliiska Soomaaliyed iyo arrimo kale.

Taliyaha Booliska.jpg5Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliyed Gen Maxamed Sheekh Xasanayaa si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Talyaaniga, wuxuuna Wadahadalada labada dhinac ah oo diirada lagu saaray sidii iskaashi buuxa u yeelan lahaayan Ciidamada Boliiska Soomaaliyed iyo Taliyaha ciidanka  Carabinieri .

Hadal kooban oo Taliyaha Boliiska Soomaaliyed halkaas ka jeediyay ayuu uga mahad celiyay Taliyaha ciidanka Carabinieri Talyaaniga Gen. Tullio Del Sette iyo Gen Ilio Ciceri Abaanduulaha Ciidanka Carabinieri sida wanaagsan ee ugu soo dhaweeyan dalkooda Talyaaniga sidoo kalena wuxuu uga mahad celiyay adkeynta xiriirka wada shaqeyn ee labada ciidan.

Taliyaha Booliska.jpg4Kulankaas kadib taliyaha iyo wafdiga uu hogaaminayay oo uu ka mid ahaa Taliya xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen Bashiir Abdi Mohamed ayaa waxa ay Booqdeen Dugsiga Baarista Danbiyada dalka Talyaaniga,waxaan Taliyaha Boqashadiisa ku wahliyay Safiirka Somaliya u fadhiya Talyaaniga Gen Musse Xassan Abdulle iyo Gen Sheikh Awes Macow Maxamed.

SomaliSwiss        Roma.

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements

One Response

  1. How many generals are with the Somali police commander ?.

    Liked by 1 person

Comments are closed.

%d bloggers like this: