Guul-darro aan laga soo kabsan karin oo ku dhacaday Axsaabta Bidixda ee dalkan Switzerland.

CodbixinMaalintii Axadda ahayd ee ku beygneyd 28/02/2016ka waxaa Bulshada Switzerlandiyo Axsaabta Bidaxda u soo hooyatay guul lama illoobaan ah, waana guusha ugu sarreysa ee dadka jecel Dimoqaradiyadda iyo Sinnaanta Xuquuqda bani-aadanka. Continue reading

30 qof oo ku geeriyootay Qaraxyadii shalay ka dhacay Degmada Baydhabo ee G/Bay.

BaydhaboWarbixintii ugu danbeeysay ee qaraxyadii shalay ka dhacay ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 30 qof  ay ku dhinteen qaraxyadaas, waxaana sheegtay Alshabaab, sidaas waxaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay Guddoomiyaha gobolka Bay maanta. Continue reading

Kulan looga hadlayey mashadaqadii ka dhacday masaajidka Umuttu Islaam oo ku yaala Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Minnesota.jpg1Sida aad la socotaan waxaa Toddobaadkii hore ka dhacay Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka in qof wajigiisa soo qariyay xilli saqdii dhexe ee habeenkii, wuxuu jabiyay albaabada iyo daaqadaha masaajidka Umuttu Islaam oo Qaarkood ay deggenaayeen Ganacsato kala duwan. Continue reading

Hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidamadu jooga Somalia oo kulankoodii Jabuuti ka soo saaray War-murtiyadeed.

Gelle iyo Xasan.jpg2Hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia oo maanta kulan ku yeeshay Dalka Jabuuti, ayaa ka soo saaray War-murtiyeed ku saabsan baahida loo qabo Xoojinta, Tayeynta iyo guul ka gaarista hawl-galka AMISOM ee Xasilinta Somalia iyo burburinta Al-shabaab. Continue reading

Qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee G/Bay.

Qarax gaariLabo qarax oo aad u xooggan ayaa maanta Barqadii ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo kuwaasoo la rumeysanyahay in ay geysteen waxyeello isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Continue reading

Madaxweynayaasha Dalalka Jabuuti iyo Somalia oo Shalay Gellinkii dambe kulan Gaar ah ku yeeshay Magaalada Jabuuti.

Gelle iyo XasanMadaxweynaha Dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle Somalia iyo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa Shalay Gellinkii dambe kulan Gaar ah ku yeeshay Magaalada Jabuuti. Continue reading

Mr. Gianni Infantino oo Maanta loo doortay Guddoomiyaha cusub ee xiriirka FIFA.

Guddoomiyaha FIFAXiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee [FIFA] ayaa u doortay maanta Guddoomiye Cusub, Gianni Infantino oo horay u ahaa Xoghayaha xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee UEFA, isagoo bedeli doona Guddoomiyihii hore ee FIFA Joseph Sepp Blatter. Continue reading

Xarakada Al-Shabaab oo Caawa Fiidkii ka fuliyeen Qaraxyo iyo Iska horimaad Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Al-shabaabXarakada Al-Shabaab ayaa Caawa Fiidkii ka fuliyeen Qaraxyo iyo Iska horimaad Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, waxaana ku Geeriyoodeay ugu yaraan 14-qof oo ay ku jiraan Shan Al-shabaab ka tirsan, sidoo kale waxaa la sheegay inay tiro intaas ay ku dhaawacmeen Qaraxyo iyo Iska-horimaadkaas. Continue reading

Ururka Kubadda Cagta ee FIFA oo Maanta dooranaya guddoomiyaha cusub iyo Golaha Ururkaas.

FIFA.jpg2Ururka Kubadda Cagta ee FIFA ayaa waxay Maanta dooranayaan guddoomiye cusub, kaasoo bedeli doona madaxweynihii hore ee ururka FIFA Joseph Sepp Blatter oo Xilka iska casilay Sannadkii hore, kaddib markii loo doortay xilkan ayna ururka hareeyeen musuq-maasuqyo kala duwan. Continue reading

Qodobadii laga soo saaray War-mutiyeedkii Shirkii Soomaalida loogu Qabtay Dalka Turkiga.

shirka somalia iyo turkiya.jpg2Si ay u fahmaan soomaalida ku nool Gudaha iyo dibadda dalkaSoomaaliya waxaan halkan ugu soo gudbinaynaa Qodobadii kasoo baxay War-mutiyeedkii Shirkii Soomaalida loogu Qabtay Dalka Turkiga.

Wuxuuna u qornaa Sidatan: Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dowladda Kenya loogu dilay Weerarkii Saldhigga Ceel-cadde tiro u dhexeysa 180 illaa 200-Askari…..


Madaxweyne Xasan.jpg5Madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud oo sheegay in dowladda Kenya loogu dilay Weerarkii  ay Al-shabaab ku Qaadday 15-kii Bishii Jannaayo, 2016-ka Saldhigga Ceel-cadde tiro u dhexeysa 180 ilaa 200-Askari.
Continue reading

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka warbixiyey shirkii Baarlamaada dalalka Carabta ee ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Jawaari Qaahira.jpg2Waxaa maanta lagu soo gunaanaday Magaalada Qaahira ee Xarunta Dalka Masar, shirka Baarlamaannada dalalka Carabta, iyadoo shirkaasi laga soo saaray War-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobadii laga hadlay. Continue reading

COMMUNIQUE: Ministerial High-Level Partnership Forum Istanbul 23-24 February, 2016

COMMUNIQUE: Ministerial High-Level Partnership Forum Istanbul 23-24 February, 2016
shirka somalia iyo turkiya.jpg3

COMMUNIQUE: Ministerial High-Level Partnership Forum Istanbul 23-24 February, 2016 Continue reading

Wafdigii uu hogaaminayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Jawaari Qaahira.jpg1Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar halkaasi oo uu maalinnimada berrito ah uu ka furmi doono shirka madaxda Baarlamaannada dowladaha carabta. Continue reading

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha Turkiga,Erdogan oo maanta ka hadleen shirka looga hadlayo Arrimaha Somalia.

Somalia iyo TurkiyaMagaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo Arrimaha Somalia, sida Doorashooyinka Sannadkan la filayo inay ka dhacaan Soomaaliya. Continue reading

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta Golayaasha Sharci dejinta Soomaaliya uga xiray Seminaar xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

seminaarGuddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa maanta Golayaasha Sharci dejinta Soomaaliya uga xiray Seminaar  xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, Seminaarkaas oo socday intii u dhaxeysay 17-20 February 2016. Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo mar kale loo doortey xilka madaxtinimada dalkiisa.adax

Madaxweyne xasan-sheekh.jpg9Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Kaguta Museveni oo mar kale loo doortey xilka madaxtinimada dalkiisa. Continue reading

Dalka Soomaaliya oo maanta laga xusay maalinta Afka hooyo, gaar ahaan Caasimadda, Hal ku dhigga munaasabadda waa: (U HIILI AFKAADA HOOYO).

Xuska Af.jpg1Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Axmed Jamac “Ilka Jiir”, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey Maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada XF Soomaaliya. Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlayay aaminaadda shacabka ee dowladnimada, sheegayna inay muhiim tahay in shacabku ay kalsooni ku qabaan madaxdooda.

Madaxweyne Xasan sheekhMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay barnaamijka daahfurka dowladda oo dadweynaha ay su’aal ku weydiinayaan Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii dalkan cadowga looga cirib tiri lahaa.
Continue reading

Amar ka soo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya oo lagu mamnuucay 35 Website.

Xeer-ilaaliyaha-QarankaMadaxda iyo Maamulka Shabakada Intenetka SomaliSwiss Media ayaa waxay soo dhaweeyeen, islamaarkaas ay taageereen Amarka ka soo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya oo lagu mamnuucay 35 Website oo laga akhristo gudaha Somalia laga akhristo. Continue reading

Wafdi uu hoggaaminaya Madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud oo maanta barqadnimadii gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta G/Hiiraan.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh.jpg12Madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud iyo Wafdi uu hoggaaminayey oo ka Koobanaa labada Gole ee Dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta barqadnimadii gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Continue reading

Ra’iisul -wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb galay Munaasabadda sanad guurada 46-aad ee aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Ciidanka Asluubta.jpg1Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka qeyb galay Munaasabadda sanad guurada 46-aad ee aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka iyo Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida, ayaa ka qeyb galay Munaasabadda sanad guurada 46-aad ee aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay Xerada Ciidanka Asluubta ee Ex- Control Afgooye. Continue reading

Taliyaha Guud ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo maanta ka qeyb-galay munaasabad gaadiid loogu wareejinayay taliska booliiska Gobolka Hiiraan.

Gaadiid Booliiska.jpg2Taliyaha Guud ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jen Max’ed Sheekh Xassan Xaamud ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad gaadiid loogu wareejinayay taliska booliiska gobolka Hiiraan oo lagu qabtay magaalada Beledweyne. Continue reading

Xarakada Al-shabaab oo ku Han-jabtay inay Sare u qaadayso weerarada ay ku beegsanayso saldhigyada ciidanka Dwladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika.

Al-Shabaab army.jpg2War ka soo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa sheegaya in xarakadu ay Sare u qaadayso weerarada ay ku beegsanayso saldhigyada ciidanka Dwladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ay ku leeyihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud oo maanta ka hadlayay Shirka Ammaanka Dunida ee ka socda Magaalada Munich ee Dalka Jarmalka.

Madaxweyne Xasan.jpg4Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud ayaa maanta ka hadlayay Shirka Ammaanka Dunida ee ka socda Magaalada Munich ee Dalka Jarmalka, wuxuuna sheegay in dagaal-yahanada kooxda Boko Haram lagu tababaro gudaha dalka Soomaaliya, ka hor inta aysan dagaalladooda ka billaabin Nigeria. Continue reading

Wafdi ka socda Midowga Afrika oo maanta booqasho ku yimid Soomaaliya, si ay ku qiimeeyaan howlgalka Ciidamada AMISOM.

Midowga Afrika.jpg1Wafdi ka socda Midowga Afrika oo maanta booqasho ku yimid Soomaaliya, si ay ku qiimeeyaan howlgalka Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya iyo baahida deg-degga ah ee ciidamadu Midowga Afrika ka socda ay u baahan yihiin. Continue reading

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qayb-galay Shirka looga hadlayo Ammaanka Dunida ee ka Furmay magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh.jpg8Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ka Qayb-galay Shirka looga hadlayo Ammaanka Dunida ee ka Furmay magaalada Munich ee dalka Jarmalka., wafdiga Madaxweynuhu waxaa  ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaan Hadliye Cumar. Continue reading

Ergayga Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ku baaqay in Soomaaliya loo dhiso ciidan awood leh oo suga amniga.

AU francisco-madeiraErgayga Ururka Midowga Afrika ee Somalia, Danjire ayaa ku baaqay in Soomaaliya loo dhiso ciidan awood leh oo suga amniga dalkooda, iyadoo Ciidanka AMISOM ugu baaqay inay kaalin ka qaataan dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliya. Continue reading

Gudoomiyaha Baarlamanka oo maanta kulamo la qaatay wafdigii ka socday jaamacadda Carabta iyo Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha baarlamaanka.jpg1Gudoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa si kala gooni gooni ah maanta u qaabilay wafdi ka socday jaamacadda Carabta iyo Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya. Continue reading

Qoorshihii lagu hagi lahaa howlaha Gobalka Banaadir iyo Dowlada Hoose ee Muqdisho sanadka 2016 oo lagu soo bandhigay Xarunta Dowladda Hoose Ee Muqdisho.

Dowladda Hoose.jpg3Qoorshahii iyo istaraatiijiyadii lagu hagi lahaa howlaha Dowlada Hoose ee Muqdishor iyo Gobalka Banaadir sanadka 2016 ayaa lagu soo bandhigay Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Munaasabadda lagu soo bandhigaaye Xilibaano iyo Masuuliyin katirsan Dowlada Soomaliya,saraakisha Ciidamada qalabka Sida, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Fanaanin iyo Marti sharaf kale. Continue reading

%d bloggers like this: