Advertisements

XAFLADA CALEEMA SAARKA AXMED MADOOBE OO MAANTA KA DHACDAY MAGAALADA KISMAAYO.


Wofdiga Madaxweyne Xasan Jubba
Xaflad lagu caleema saarayo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta lafilayaa in ay ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Madaxda sare ee dowlada federaalka Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo wafuud caalami ah oo lagu martiqaaday xaflada caleema saarka madaxweynaha ayaa la filayaa in ay maanta gaaraan magaalada Kismaayo. 

Wofdiga Madaxweyne Xasan Jubba.JPG2Sidoo kale wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Wufuud ka socota Dowaladda Somalia, Itoobiya iyo Kenya ayaa xalay gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, Halkaasoo ay ka socoto Munaasabada Caleemo-saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Sh. Axmed Maxamed Islaam [Sheekh Axmed Madoobe] oo dib loo doortay bartamihii bishii August.

Mas’uuliyiinta tagay Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah; Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Tedros Adhanom iyo Wafdi ka socda dalka Kenya oo uu ka mid yahay; Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Kenya, Yuusuf Xaaji.

Sidoo kale, Wafdiga Madaxweynaha Somalia ee Kismaayo gaaray ayaa waxaa ka mid ah Madaxda Maamul-goboleedyada dalka qaarkood, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland oo ka Socota Kismaayo ayaa Waxaa ka Qayb-galaya Xildhibaannada Baarlamaanka Jubbaland, waxgarad, siyaasiyiin iyo sidoo kale marti-sharaf kale oo lagu casuumay.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa aad loo Adkeeyay, iyadoo la hakiyay isku socodka gaadiidka iyo dadka, waxaana la sheegay in Waddooyinka Magaalada la dhigay ciidammo fara badan oo amniga sugaya.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu khudbad dhinacyo badan uu ka jeediyo xafladda, iyadoo uu weli taagan yahay muran u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.
Wofdiga Madaxweyne Xasan Jubba.JPG3Wofdiga Madaxweyne Xasan Jubba.JPG1Somaliswiss         Kismaayo

Somaliswiss@hotmail.com

Advertisements

One Response

  1. qofkasta oo Somali ah haddii uu samayo caddaalad dadka oo dhan ayaa jeclaan donna.

    Liked by 1 person

Comments are closed.

%d bloggers like this: