Tifaftiraha Sare Shabakada Warbaahinta SomaliSwiss oo wareysi la yeeshay Siyaasiga Mudane Maxamed Qanyare Afrax.

QanyareWaxaa Waddanka Switzerland ayaamahan joogay Mudane Maxamed Qanyare Afrax oo ah ruug-cadaa Siyaasi ah oo si aad aad ah loogu yaqaan gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya.

Mudane M. Qanyare Afrax ayaa soo gaaray dalkan Switzerland, isagoo socdaalkiisa uu la xiriiray baaris caafimaad, sidaas awgeed Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zürich Marwo HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE

Qanyare.jpg9Mudane M. Qanyare Afrax ayaa soo gaaray dalkan Switzerland, isagoo socdaalkiisa uu la xiriiray baaris caafimaad, sidaas awgeed Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zürich Marwo Xaawo Nuur Mudey iyo Ku-xigeenkeed Mudane Dr. Axmed Dhicisow Daa’uud, isla markaasna ah Tifaftiraha Shabakada SomaliSwisstv.com, waxay booqasho ugu tageen Siyaasiga ruug cadaaga ah ee Soomaaliyeed Mudane Maxamed Qanyare Afrax.

Qanyare.jpg8Haddaba Tifaftiraha Sare Shabakada Warbaahinta SomaliSwiss tv.com wuxuu wareysi kooban uu la yeeshay Mudane Qanyare, Su’aalihii uu weysdiiyey waxaa ka mid ahaa:

S: Ma inoogu warrami kartaa Xaaladda Guud ee dalka Soomaaliya?

J: Laga soo billaabo maalintii lagu midoobay Calanka Buluugga xiddiga cad bartamaga ugu yaala iyo waqtigii Xuriyadda la qaatay 1960kii laguna dhawaaqay “KANNA SIIB; KANNA SAAR“, kaas oo dadbadan oo Soomaali ah ay u moodeen inay ku noolaanayaan nolol raaxa leh, waqtigaas soo billaabatay Siyaasad maldahan oo salka ku hayso qabiileysi, taas oo si rasmi u dillaaclay 1991dii ilaa haatanna socoto, ha yeeshee Xaaladda haatan lagu hoggaaminayo Soomaaliya ma ahan mid keeni karta midnimo Soomaaliyeed.

Qanyare.jpg5S: Sidee u aragtaa Geedi Socodka Siyaasadda Soomaaliya?

J: Waa lagu dhacay, waana lagu habsaamay, wax laga qaban karo ma jirto, mana macaano arrinta haatan lagu socdo.

Qanyare.jpg7S: Sidee u aragtaa habka ku dhaqanka Mabda’a Federaalismaha Soomaalida?

J: Suurta gal ma ahan in Soomaaliya loogu dhaqamo Mabda’a Federaalismaha, waayo Soomaalidu waa Reer guuraa xoola dhaqato ah Xuduud ma lahan Reer kasta wuxuu u hayaamaa meesha uu ka dàday Roobka, halkaas ayey xoolaha ay geystaan.

Haddaba Soomaaliya iyo Soomaalida waxay u baahan yihiin qof ad-adag oo karti u leh inuu caddaalad u sameeyo, kuna hoggaamiyo bulshada.

Qanyare.jpg10S: Suurta gal ma tahay in 2016ka ay dadweynaha Soomaaliyed u dareeraan doorasho qof iyo Codkiisa?

J: Aniga ka Maxamed Qanyare ahaan ma qabo in 2016ka ay dadweynaha Soomaaliyed u dareeraan doorasho qof iyo Codkiisa, sabatoo ah waxaa lagu socdaa waddo qodax badab oo khiyaano ku duugan, waano la arki doonaa sida ay wax u dhacaan.

Qanyare.jpg3SomaliSwiss        Zürich
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: