Advertisements

Wasiiradda Maaliyadda iyo dhaqaalaha Waddamada Afrika oo Shir uga furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiir ku-xigeenka maaliyaddaWasiiradda Maaliyadda iyo dhaqaalaha Waddamada Afrika ayaa shalay galab Shir uga furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana Soomaaliya uga qayb galay shirkaas Wasiir ku xigeenka Maaliyadda dowladd Soomaaliya, Maxamuud Xayir Ibraahim.

Shirkan ayaa waxaa sannadkan looga hadlayo sidii dhaqaale ballaaran loogu heli lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Afrika, waxaana si wadajir ah u soo agaasimy ururka Midnimada Afrika ee fadhigiisu yahay Itoobiya iyo guddiga dhaqaalaha Afrika (Economic Commission of Africa).

Furitaankii shirka waxaa khudbado ka jeediyey ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hialmariam Deslegn, madaxweynaha waddanka Rwanda Pual Kagame iyo guddoomiyaha Midowga Afrika, Nkasazana Dlamini Zuma.

Sidoo kale, waxaa shirka khudbad ka jeediyey wasiirrada Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Afrika, iyadoo diiradda lagu saaray sida Afrika ay ku gaari karto Hiigsiga 2063-da oo lagu dajiyay shirkii ururka Afirka ee sanadkii 2014-kii ka dhacay Itoobiya.

Ugu dambeyn, shirk ayaa waxaa laf-dhabar u ah koboca dhaqaalaha Afrika iyo weliba horumarinta Afrika, iyadoo la ogsoon yahay in dalalka Afrika uu dhaqaalahoodu aad u sii kobcayo sanadahan dambe ayna jiraan maalgashiyo kusoo badanaya Qaaradda Afrika.

SomaliSwiss        Addis Ababa
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: