Baarlamaanka Jarmalka oo Ansixiyay Howlgalka Millateri ee ay ka wadaan dalka Soomaaliya

Barlamaanka JarmalkaBaarlamaanka Jarmalka ayaa cod buuxa ku Ansixiyeen howlgalka tababarka ciidamada Somalia ee Jarmalku uu qaybta ka yahay ee ka socda dalka Soomaaliya, iyadoo la go’aamiyay in lasii ballaariyo howlgalkaas.

Xildhibaanno tiradooda gaarayso illaa 454 oo ka tirsan 578 xildhibaan oo uu ka kooban yahay baarlamaanka dalkaasi ayaa oggolaaday in howlgalka lasii wado, iyadoo 115 ka tirsan xubnahaas ay diideen codaynta, iyadoo ay ka aamuseen sagaal mudane.

Go’aanka ayaa qayb ka ah tallaabo horay uu u qaaday ururka Midowga Yurub oo ku aaddanayd in waqti dheeraad ah lagu daro howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya si ay ciidamada Somalia tababbaro milateri u siiyaan.

Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaad 20-sarkaal u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasoo loogu talo-galay inay tababarro siiyaan milateriga Somalia ayna la taliyaan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, waxayna saraakiishaasi ka qayb-qaataan howlgalka Soomaaliya.

Ciidamada milateriga Jarmalka ayaa Somalia ka howl-galayay tan iyo 2010-kii, inkastoo ay jiraan in tiro ciidamada militeriga dalka Jarmalka ka tirsan loo daad-gureeyay gudaha Somalia, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in joogitaanka ciidamada Jarmalka ee Soomaaliya ay qayb ka tahay xoojinta is-taraatiijiyada dhaqaalaha iyo danaha militeri ee Jarmalka.

Dhanka kale, dowladda Jarmalka ayaa waxay ciidammo badan ka joogaan dalalka Somalia, Senegal, Maali, Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, Suudaan iyo Koonfur Suudaan.

SomaliSwiss       Bon
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: