Advertisements

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shir madaxda waddamada Jaamacadda Carabta.

Madaxweyne Xasan  oo dib ugu soo laabtay MMadaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigii uu hoggaaminayey ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari,Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, iyo Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa Magaalada Sharma El Sheekh Ee Dalka Masar uga soo qeybgalay shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta oo shalay ka furmay Dalka Masar.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay shir madaxda waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta; kaasoo ka dhacay magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku sheegay arrimo muhiim ah oo la xiriira xaaladda Somalia, xilli maalin ka hor ay Al-shabaab weerartay Hoteel Maka Al-Mukarama oo lagu dilay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan iyo arrimaha kale ee ka jira dalalka Carabta.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu u sheegay hoggaamiyeyaasha Carbeed in Soomaaliya ay kasoo kabanayso dagaalladii sokeeyo ee muddo dheer ay ku soo jirtay, ayna sameysey horumar dhinacyo badan leh, sida siyaasadna ay ka hirgelinayaan nidaamka federaalka ah, amniga iyo soo celinta adeegyada bulshada, walow ay jiraan caqabado u baahan in wax laga qabto.

Mudane Xasan Shiikh oo sii wato hadalkiisa wuxuu intaas ku daray ee uu yiri: “Arrintaasi nagama hor-istaagayso sii wadista dagaalka aan ku doooneyno inaan gebi ahaanba ku tirtirno kuwa argagaxisada ku lugta leh, kooxdaas oo haatan goobo yar kusoo uruurtay, ayna ka muuqato xaalad quus ah. Waxaana dalalka Jaamacadda Carabta ka codsaneynaa inay iyana gacan ka geysato sidii aan u dhameystiri lahayn barnaamijka dowladda ee amniga iyo xasilinta.”

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale ka dalbaday Jaamacadda Carabta inay fuliso ballan-qaadyadii taageerada dhaqaale ee Soomaaliya ay u fidiyeen, si wax loogu qabto hawlaha faraha badan ee dowladda horyaalla, isla markaana Soomaaliya laga cafiyo daymaha ay ku leeyihiin waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Dhanka kale Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay xasaradda ka aloosan Yemen oo uu sheegey in Somalia ay si buuxda u taageersan tahay dowladda sharciga ah ee uu madaxweynaha ka yahay Abd-Rabbuh Mansur Haaddi, isla mar ay si buuxda u taageereyso Somalia mowqifka Jaamacadda Carabta ee Yemen.

Waxaa kaloo uu madaxweynaha Soomaaliya ka hadley qadiyadda dalka Falastiin, dagaalka argagixisada caalamiga iyo xalinta mashaakilaadka ka taagan dalalka Jaamacadda Carabta.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyeyaasha waddamada Carabta ee ka hadlay kulan madaxeedkan ayaa iyaguna khudbadahooda ku xusay arrimaha Soomaaliya, sheegayna inay mar walba garab-taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: