Advertisements

Danjire Yuusuf Bari-Bari oo maanta lagu Aasay magaalada Garoowe.

???????????????????????????????Maydkii Safiirkii Somaaliya u fadhiyay dalka Switzerland ayaa maanta la geeyey magaalada Garowe, halkaasna laguna Aasay, waxaana maydka marxuumka socday mas’uuliyiinta la kamid ahaa wasiirka cadaallada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir ) xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka ah iyo qaar ka mid ah qoyskiisa.

Aaskii Bari bari.jpg1Inta badan madaxda Puntland oo ugu horeeyo madaxweyne Cabdiwali Gaas, waxgarad iyo qaar kamid ah bulshada Garowe ayaa ka qayb-galay aaska marxuum Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari-Bari oo ka dhacay qabuuraha Khayr Seexay oo ku yaalla banaanka magaalada Garowe.

Marxuumka ayaa kamid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarrkii lagu qaaday hotelka Maka-Al-mukarama ee magaalada Muqdisho ,kaasi oo galaaftay dad ka badan labaatameeyo qof oo isugu jiray mas’uuliyiin dowladda ah iyo shacab deganaa Hotelka.

Aaskii Bari bari“Wuxuu ahaa nin Soomaalinimadu ay ku wayntahay jecelna in dalkan uu dhibaatada ka baxo, waxaan mar kale tacsi u dirayaa eheladii uu ka geeiyooday iyo waliba ummadda Soomaaliyeed “ ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo salaadii Janaasada ka dib warbaahinta la hadlay.

“Cadaaladda ayaa la horkeeni doona kooxihii soo qorsheeyay Qaraxii Hoteel Maka-Al-Mukarama ,mana la nasan doono tan iyo inta kooxahaas la soo af-jarayo,“ ayuu isna yiri wasiirka cadaaladda Soomaaliya.

Aaskii Bari bari.jpg2Ugu dambeyn, ka hor intii aan maydka laga soo dhoofin magaalada Muqdisho, waxaa salaadda janaasada ku tukaday madax uu kamid ahaa ra’iisul-wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid iyo qaar ka mid ah culumaa’udiinka Soomaalyeed.

???????????????????????????????Aaskii Bari bari.jpg3SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: