Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo u amba-baxay Dalka Masar.

Madaxweynaha dowladda SoomaaliyaMadaxweyanaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa barqanimadii Maanta Ka ambabaxay goroonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo ay ku sii sagootiyeen masuuliyiin sarsare oo ka tirsan labada gobale ee dowladda.

Madaxweyne Xasan sheekh iyo Wafidigiisa ayaa Magaalada Sharma El sheekh ee dalka Masar uga qeyb geli doono shirka Jaamacadda Carabta oo looga hadli doono Xaaladihii ugu Dambeeyay ee dalalka Carabta.

Shirka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa si gaar ah diirada lagu saari doonaa colaadaha ka aloosan wadamada carabta gaar ahaanna meelaha ay colaadaha ka Holcayaan.

SomaliSwiss             Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: