Qaar kamid ah Shaqaalaha Dabdamiska gobolka Banaadir oo Tababar Loogu soo xiray Nairobi

Dab-demis.jpg2Waxaa maanta tababar soconayey mudo 30 maalin ah loo soo geba gabeeyey arday tiradoodo dhan tahay 18 ayaa kuwaasi oo loo tabo barayey qaabka ugu haboon ee loola dagaalamo dabka waxaana tababarkan oo aha heerkii 2 aad iska kaashaday Hay’ada qaabilsan garoomada diyaarada ee dalkani Kenya KAA iyo UNSUA.DAAWOSAWIRRO KALE:

Dab-demisMunaasabad lagu soo xiryay tabarkan ayaa maanta waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday Hay’adaha iska kaashanayey hirgalinta tababarkan iyo mas’uuliyiin ka tirsan dawlada Soomaaliya oo uu kamid ahaa Danjiraha dawlada Soomaaliya Uganda dalkani Kenya Amb Maxamed Cali Nuur( Americo), Gudoomiye ku xigeenka dhinaca maamulka iyo Maaliyada ee gobolka Banaadir Ismaaciil Macalin Cabdi ( Guure), Agaasimaha Waaxda Dabdamiska Ee Gobolka Banaadir Cabdulaahi Maxamed Cabdule ( Saneey ) iyo Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ha ee Gobolka Banaadir Axmed Cusmaan Muxuyadiin(Showqi)

Dab-demis.jpg1Waxaana Intii uu socday tababarkani sida ay ii sheegeen ardaydan waxaa lageeyey goobo kala duwan oo ku yaala gudaha dalkani Kenya, waxaana ardaydan loo tababatay sida ugu haboon ee loola dagaalamo dabka iyadoo loo carbiyey sidii ay u sii tababari lahaayeen ardayda kale ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaan gunaanadkii munaasabadan la gudoonsiiyey ardaydan oo ka koobnaa 18 shahaadooyin muujinaya waxayaabaha ay soo bartee.

SomaliSwiss              Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: