Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku guuleystay soo Af-jaridda Weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama.

Somalia AttackCiidamada gaarka ah ee dowladda Somalia ayaa ku guuleystay inay gudaha u galay hoteelka Maka Al-Mukarama oo ay gellinkii dambe ee maanta la wareegeen gacan ku hayntiisa xoogag taageersan Al-shabaab.Weerarrada ay dagaalyahanada Al-shabaab ku qabsadeen Hoteelka ayaa isugu jiray mid is-miidaamin ah iyo mid toos ah oo ay gudaha ku galeen, iyagoo dilay 10-qof oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa hoteelka gudihiisa.

Hotel Makka-mukarrama.jpg2

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka hoteelka; balse ma aysan sheegin tirada xubnaheeda weerarka qaaday, waxaase dad goobta ku sugnaa ay sheegeen inay yihiin afar illaa shan ruux.

Ciidamada Alpha Group ee dowladda Somalia iyo xoogagga hubeysan ayaa ku dagaalamay gudaha Hoteelka, iyadoo wararku ay intaas ku darayaan inay rag ka mid ah kuwii weerarka qaaday isku qarxiyeen gudaha hoteelka.

Somalia AttackSaraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa shaaciyay inay ciidmadu soo badbaadiyeen dad isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, ganacsato iyo siyaasiyiin hoteelka ku jiray markii ay kooxaha hubeysan qabsanayeen.

Dhanka kale, ciidanka dowladda Somalia ee gudaha u galay hoteelka ayaa waxay toogasho ku dileen dhammaan raggii weerarka geystay, iyadoo dowladdu ay sheegtay inay dhawaan ka hadli doonto khasaaraha guud ee weerarkan.

Hoteelka Maka Al-Mukarama oo ku yaalla waddada ugu muhiimsan Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab, kuwaasoo ay ku dhinteen dad badan.

SomaliSwiss            Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: