Bahda Warbaahinta SomaliSwiss iyo Jaaliyadaha Switzerland oo tacsi u diray Ehelladii uu ka geeriyooday Marxuum Yuusuf Bari-bari.

Safiirka Soomaaliya Switzerland.jpg1Bahda Warbaahinta SomaliSwiss iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland ayaa tacsi u diray Ehelladii uu ka geeriyooday Marxuum Yuusuf Bari-bari.

Geeridii ku timid Wakiilka dowladda soomaaliya u fadhiya xarunta Xuquuqul Aadanaha Ee Geneve Yuusuf Maxamed Ismaaciil ayaa waxay ahayd weerar ay soo qaadeen koox hubeysan oo heybtoodu lagu sheegay inay ahaayeen Al-shabaab.

Sida la sheegay Marxuum Yuusuf Maxamed Ismaaciil Baribari ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Weerarkii naftii halignimada ee Argagixisada Al Shabab ka geysteen Hotelka Maka Al Mukarama.

Alaha u naxariistee Yuusuf Baribari ayaa ahaa Diblumaasi ka soo sheqeyay dalal badan oo caalamka.

Haddaba Bahda Warbaahinta SomaliSwiss iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerlan waxay Marxuumku Alle uga baryayaan inuu Jannadii Fardoosa ka waraabsho, annagana gadaashiis na fidnaynin. Aamiin, Aamiin, Aamiin

SomaliSwiss            Zürich
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: