Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia oo ka kulmay Dhigiisa Imaaraadka Carabta

Wasiirka A.Dibadda Somalia ImaaraadkaWasiirka arrimaha dibadda Somaaliya, C/salaam Cumar Hadliye ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheekh Abdullah bin Zayed al Nahyan, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa danjiraha Somalia u fadhiya Imaaraadka, C/qaadir Sheekhey Al-Hatimi.

Labada wasiir ayaa kulankooda kaga hadlay xoojinta xiriirka labada waddan ka dhexeeya, isla markaasna ay sheegeen in labada dal uu cilaaqaad walaaltinimo ah oo fog oo taariikh leh uu ka dhaxeeyo.

Hadliye ayaa uga mahadcleiyay dhiggiisa Imaaraadka sida ay dowladdiisu u taageerto Soomaaliya oo ay mashaariic fara badan ka fulinayso, isla markaasna dhanka gargaarka bani’aadanimo ay si walaaltinimo ah u garab taagan tahay.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in labada dal ay ka wada-shaqeeyaan arrimaha amniga, burcad-badeeda iyo sidii ganacsatada Soomaaliyeed loogu dhiirri-gelin lahaa fursadaha ganacsiga.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka ayaa uga mahadceliyey dowladda Imaaraadka gurmadka qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarradii Central Hotel oo weli UAE lagu daweynayo.

SomaliSwiss            Dubai
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: