Madaxweyne Xasan Sheikh oo xalay kulammo gaar gaar ah layeeshay ergooyinka shirka dib u heshiisiinta Dhuuso-mareeb.

Madaxweyne Xasan Dhuusa-mareeb.jpg1Madaxweynaha Somaaliya iyo wafdigiisa ayaa tan iyo xalay kulammo kala gooni-gooni ah la lahaa ergooyinka shirka dib u heshiisiinta Dhuuso-mareeb, iyadoo shirarkan aysan jirin wax natiijo ah oo weli kasoo baxy.Kulammadan ayaa waxaa intooda badan looga hadlay furitaanka shirka qaybtiisa labaad ee lagu dhisayo maamulka gobollada Galguduud iyo Mudug, iyadoo ay ku kala aragti duwan yihiin madaxweynaha iyo ergooyinka halka lagu qabanayo shirka dhismaha maamulka gobolllada dhexe.

Madaxweyne Xasan Dhuusa-mareeb

Afhayeenka guddiga dhismaha maamulka gobollada dhexe, Cabdiladiif C/llaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ergooyinku ay madaxweynaha u sharraxeen mowqifkooda ku aaddan halka shirka lagu qabanayo, sidoo kalena madaxweynuhu uu ka hadlay isna mowqifkiisa.

Madaxweyne Xasan Dhuusa-mareeb.jpg2“Xalay illaa saakay waxaa socday kulammo ay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ergooyinku ku lahaayeen Dhuuso-mareeb; kulammada intooda badan waxaa looga hadlay sidii mowqif mideysan looga gaari lahaa madasha shirka qaybtiisa kale lagu qabanayo; balse ma jirto natiijo illaa hadda soo baxday,” ayuu yiri afhayeenka shirka.

Guddiga shirka ayaa habeen hore soo saaray go’aan ay ku sheegayaan in shirka qaybtiisa labaad lagu qabanayo magaalada Dhuuso-mareeb, halka markii hore la go’aamiyay in lagu qabto degmada Cadaado ee isla gobolka Galguduud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in shirka qaybtiisa siyaasadda uu ka dhici doono Cadaado, iyadoo isbedelkan uu ku khasbay Madaxweynaha inuu mar kale booqdo magaalada Dhuuso-mareeb.

Madaxweyne Xasan Dhuusa-mareeb.jpg3Kulammada socda kaddib ayaa lagu wadaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu warbaahinta u sharraxo go’aannada kasoo baxay shirarkii uu tan iyo xalay la yeelanayay guddiga shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxay dhankooda ku adkeysanayaan in shirku uu maanta oo Arbaco ah ka furmi doono magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud, inkastoo arrintu ay u muuqato mid cakiran.

Wafdiga madaxweynaha oo xalay ku hoyday Dhuuso-mareeb ayaa waxaa ka mid ah; wasiiradda caafimaadka, Xaawo Xasan Maxamed, wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda, Khaalid Cumar Cali iyo wasiir ku-xigeenka caafimaadka, Cusmaan Maxamed Cabdi.

Madaxweyne Xasan Dhuusa-mareeb.jpg4SomaliSwiss         Dhuusa-mareeb
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: