Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaaray Dhuusa-mareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan SheekhMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu so dhaweeyay degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa la filayaa inay halkaas ka billaabaan dardar-gelinta qorshaha maamul u sameynta gobollada dhexe, xilli xalay ay guddiga shirka hormuudka ah u ah ay go’aamiyeen in shirka dhismaha maamulka lagu qabto Dhuuso-mareeb, halkii horay loo qorsheeyay in lagu qabto degmada Cadaado.

Socdaalka Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dhaqan-gelinta Hiigsiga 2016-ka oo qodobbada ugu muhiimsan ay ka mid yihiin dhameystirka dhismaha dowlad-goboleedyada dalka.

“Aad baan ugu faraxsanahay horumarka ay sameeyeen odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta & qaybaha bulshada, dadaalka ay ugu jiraan dhismaha maamulka gobollada dhexe ee dalka, dowladduna si buuxda ayay u taageersan tahay una garab-is-taageysaa hawlaha maamulkan lagu dhisayo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii labaad oo Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago Dhuuso-mareeb, tan iyo markii uu halkaas ka billowday shirka loogu gogol-xaarayo lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa intii aanu ka dhoofin Muqdisho wuxuuu sii sagootiyay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmey qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo daweyn caafimaad loogu qaaday dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

SomaliSwiss          Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: