Taliska Ciidanka Asluubta oo dadka boobaaya dhulka uu leeyahay ciidanka Asluubta ee ku yaalla gobollada dalka ugu digay inay joogiyaan…

T???????????????????????????????aliska Ciidanka Asluubta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay joogiyaan boobka ay ku hayaan dhulka uu lahaa ciidankaasi eek u yaalla gobollada dalka.

Taliyaha ciidanka Asluubta General Xuseen Xasan Cusmaan, oo kormeer ku tagay xarumo ay asluubtu leedahay oo ku yaalla gobolka Banaadir iyo Shabeellaha Hoose ayaa tilmaamay in uu soo baxay cadow cusub oo doonaya inuu boobo dhulka ay dowladdu leeydahay.

“Waxaan u taagannahay inaan cadowga dhulka inuu qaato rabto aan difaacno, ma oggolin in la boobo dhulka ciidanka asluubtu leeyihiin, waana u taagannahay arrintaas” ayuu yiri Generaal Xuseen Xasan Cusmaan.

Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Cabdikariim Cabdi Afrax ayaa isaguna yiri “Fariin ayaan u dirayaa dadka boobaya dhulka dowladda ay leedahay, kuwo dhulka ciidanku lahaa boobayo waxaan uga digayaa in hunguri uusan ka galin dhul dowladdu ama shacabkuba leeyahay”.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: