Seminaar aqoon kororsi ah oo loo qabtay qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Seminaar.jpg132 qof oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa loo qabtay, waxaana lagu baranayey fahamka iyo horumarinta nidaamka Mmaamul-goboleedyadda ee uu qaatay dalka Soomaaliya, dib u heshiisiinta iyo dardargelinta shuruucda nidaamka Federaalka.

SeminaarSidoo kale Seminaarka ayaa waxaa si wadajir ah u soo gaban qaabiyay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay oo kala ah UNDP iyo Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho waxaana uu socon doonaa Mudo labo maalin ah sida uu qorshuhu yahay.

Casharadda ay qaadanayaan ka qeybagliyaasha Seminaarka ayaa waxaa bixinayay Macalimiin iskugu jirta Soomaaliya iyo Ajanabi.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka C/fitaax Daahir Mire oo warbaabhinta la hadalay ayaa sheegay in u jeedada Siminaarkan ay tahay dardargelinta shuruucda hanaanka Federaalka maadaama Wasaaradu ay tahay mid u xilsaaran hirgelinta nidaamka Federaalka ee dalka.

Seminaar.jpg2Dhanka kale Siminaarkan maanta loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa wuxuu qeyb ka yahay qorshayaasha Wasaaradda ay ku doonayso in ay guud ahaan dalka oo dhan gaarsiiso hanaanka Federaalka.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: