Maxkamada Ciidanka qalabka sida ee Soomaliya oo maanta Xukunka dil ah ku Fulisay Fuliyay labo askari oo dil geystay.

Maxkamadda Ciidamada.png1Maxkamada Ciidanka qalabka sida ee Soomaliya ayaa maanta Xukunka dil ah ku Fulisay Fuliyay labo askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu soo Eedeeyay in ay dil u geesteeen Dad shacab ah.Markii la Fulinayey Xukunkan ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidanka Qalabka Sida Gaashanle Sare Liibaan Cali Yarow iyo Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad Ee Ciidanka Gaashanle Dhexe Xasan Cali Shuute.

Maxkamadda Ciidamada

Maxkamada ayaa ku heshay Cabdi Raxmaan Ciise Axmed 20 jir ah kana tirsanaa ciidanka Xooga Dalka in uu si ula kac ah u dilay Marxuum lagu Magacaabi jiray Siciid Dhiblaaawe Siyaad 29 bishii sideedaad 2012kii Halka Cabdulaahi cali Cabdi Cigaal oo isna ka tirsanaa Ciidanka Xooga lagu Helay in uu si ula kac ah u dilay Marxuumiinta kala ah Maxamuud Xuseen Cabdi Iyo Marxuumad Sahro Sheikh Cumar .

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida gaashaanle Dhexe C/laahi Xuseen Maxamed ayaa saxaafadda u aqriyay Xukunka iyo Qaabka uu u dhacay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: