Wakiilka gaarka ee QM u qaabilsan dalka Yemen oo ka digay in colaadaha dalka Yemen ay isku bedelaan dagaalo sokeeye.

Mr. Jamal Benomar UNMr. Jamal Benomar oo ah Wakiilka gaarka ee QM u qaabilsan dalka Yemen ayaa ka digay in dalkaas uu galo colaado daba-dheeraada oo la mid ah kuwa haatan ka taagan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Liibiya.

Kulan deg-deg ah oo yeesheen xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa Wakiilka gaarka ee QM u qaabilsan dalka Yemen ka sheegay in xaaladda ka taagan dalka Yemen ay tahay mid maalinba maalinta ka danbeysa ay isbeddelayso, wuxuuna dhallanteed ku tilmaamay in la rumeysto in kooxaha Shiicada ah ay la wareegi karaan dalkaas oo dhan.

Yemen.jpg1Sidoo kale, ergayga ayaa xusay in madaxweynaha xukunka laga tuuray ee Cabdul-Rabbi Manuuur Haaddi, uusan haysan ciidamo ku filan oo ka caawin kara inuu awooda dib ula wareego.

Kulanka Golaha Ammaanka ayaa waxaa codsaday madaxwayne Haadi, kaasoo bishii hore isaga cararay magaalada Sanca ee xarunta ah kaddib markii ay la wareegeen xoogagga Xuuthiyiinta, wuxuuna haatan saldhig ka dhigtay magaalada Koonfurta ku taalla ee Cadan.

Dhanka kale, wararka laga helayo Yemen ayaa sheegaya in Xuuthiyiinta ay qabsadeen qaybo ka mid magaalada istaraatiijiga ah ee Tacis oo ku taalla inta u dhaxaysa Sanca iyo Cadan, waxaana gacanta ku hayay ciidammo taabacsan madaxwayne Mansuur Haaddi.

Qabsashadan u dambeysay waxaa ka dhashay mudaaharaadyo waawayn oo lagaga soo horjeedo kooxaha Xuuthiyiinta ah oo haatan maamula dhul aad u ballaaran oo ku yaalla waddanka Yemen.

Si kastaba ha ahaatee, goor sii horreysay ayuu Maraykanku ka billaabay gudaha waddanka Yemen inuu kala baxdo ciidamadiisa gaarka ah, kaddib markii ay sheegtay in xaaladda amni ee Yemen ay aad uga sii darayso.

SomaliSwiss Cadan
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: