Roobab mihigaan ah oo ka curtey deegaanno ka tirsan gobollada Dalka Soomaaliya.

Roobab Mihigaan ah.bmp1Roobabkii Guga ayaa ka curtey deegaanno ka tirsan gobollada Dalka Soomaaliya waxaana ka mid ah Gobollada: Bari, Sanaag, Awdal, Gabiley, Hargeysa, Sool Karkaar, Haylaan iyo Mudug oo abaaro ba’an laga soo sheegayey bilihii tegay.

Goobaha roobka mahiigaanka ahi ku hoorey waxaa kamid ah inta u dhexeysa degmooyinka Qardho, Isku-shuban iyo Boosaasoo oo ka kala tirsan gobollada Karkaar iyo Bari.

Waxaa roob lagu qaboobey uu ka da’ey qaybo kamid ah gobolka Nugaal oo magaalada Garowe ku jirto iyo deegaanno hoos taga magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

RoobSidoo kale Roobka ka da’ay magaaladda Hargeysa ayaa yimid iyadoo maalmihii u dambeeyey Kulku magaaladdu uu ahaa kul aad u heer sareeya, isla markaana cirku daruuro isku gadaameen.
Dhanka kale, Degmooyinka Badhan, Xingalool iyo Dhahar oo iyaguna ka kala tirsan gobollada Sanaag iyo Haylaan ayaa lagu soo waramayaa inay roob fiican heleen.

Waxaa kaloo jirta cabsi laga qabo in roobabku waxyeelo u geystaan jidka laamiga ah ee isku xira gobollada, kaasoo inta badan xilliyada roobka waxyeelo soo gaarto..

Gobolka Shabeellada Dhexe deegaano ka tirsan waxaa todobaadkan gudihiisa harraad dartiis ugu geeriyoodey ku dhowaad toban qof oo carruur u badan.

Si kasta ha ahaatee Curashada roobabka Guga ayaa kusoo aadeysa xilli weli abaari ka taagan tahay qaybo kamid ah gobollada dalka Soomaaliya.

Guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Xoola dhaqatada ah ayaa la soo sheegayey inay sameeyeen ducooyin alla Barri ah, iyadoo ilaahay ka baryey inuu roob u keeno, waxaana roobab ku hooray deegaano badan niyadda u dajisay xoolo dhaqataddii ka walwalsanaa abaarta iyo biyo la’aanta ka jirta, taas oo xoolo iyo duunyaba halis ku haysay.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: