Maalinta Caalamiga ah ee Biyaha oo laga xusay Muqdisho iyo Gobollada Dalka.

waterMunaasabadaan lagu xusayay Maalinta Biyaha Adduunka oo ku beegan maanta oo ah 22 Maarso ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho iyo Gobollada dalka qaarkood.

water.jpg2Xafladda munaasabaddan oo ay ka soo qayb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda sida Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ku xigeenkiisa iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka iyo xubno kale.

Intii ay socotay Munaasbada ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin badan oo ku dheeraaday ka hadalka Muhiimadda ay Bulshada u leeyihiin biyaha iyo sida loogu baahan yahay in dadku helaan Biyo Nadiif ah qaar ka mid ah Shirkadaha Biyaha qaabilsan ayaana Goob joog ahaa Munaasabadaas.

water.jpg3Sidoo kale Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka oo ka mid aheyd Mas’uuliyiintii ka hadashay kulanka ayaa waxaa ay Wasaaradda Biyaha ugu baaqday in ay ku dadaasho sidii Biyo Nadiif ah Bulshada Soomaaliyeed u heli lahaayeen.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Soomaaliya Mudane Cusmaan Maxamed Cabdi (Daallo) oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa waxaa uu ugu baaqay bulshada gobolka Banaadir in ay dhaqaale biyo dhaamin ah u sameeyaan dadka biya la’aanta .

water.jpg1Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Cabdixakiin Cige Guuleed ayaa ugu baaqay Shirkadaha biyaha in ay Biyo nadiif ah dadka ka iibiyaan isla markaana qiimaha Biyaha inta hadda uu yahay ay ka dabciyaan dadka.

Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo biyaha Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Xasan Aadan (Shaahiyow)oo gabagabadii ka hadlay Munaasabadaas ayaa waxaa uu sheegay in wasaarada iyo shirkadaha biyaha ay iska kaashan doonaaan sidii bulshadu u heli lahaayeen biyo nadiif ah.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: