Ciidamo beeleedeka maamulka KMG ah ee Jubba oo gacan ka helaya kuwa Kenya oo saaka gudaha u galay Jasiiradda Kudhaa G/ Jubbada Hoose.

Ciidanka  A. Madoobe.jpg1Ciidamo beeleedeka maamulka KMG ah ee Jubbaland oo gacan ka helaya kuwa dalka Kenya ayaa saaka gudaha u galay Jasiiradda Kudhaa G/ Jubbada Hoose., halkaas oo ay gacanta ku hayeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya inuusan dhicin wax dagaal ah, balse ciidamada huwanta ah ay gudaha u galeen Jasiiradda Kudhaa kaddib markii Al-shabaab ay ciidamadeedii xalay si nabadgalyo ah ugala baxday.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamada kenya iyo Ciidamo beeleedeka ay ku sugnaayeen maalmihii lasoo dhaafay daafaha Jasiiraddan oo dhowr jeer ay kala qabsadeen Al-shabaab iyo maamulka Jubba.

dadka deegaanka Jaziiradda Kudhaa ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladda deegaankoodu uu deggen yahay; inkastoo ay sheegeen inay cabsi ka qabaan dagaallo kale oo dhaca.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Maamulka KMG ah ee Jubba iyo saraakiisha Kenya ay weli ka hadlin la wareegida Jasiirada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, Waxaana sidoo kale aan iyadana ka hadlin weli Xarakada Al-shabaab oo xilliyadii dambe gacanta ku haysay deegaankaas.

Si kastaba ha ahaatee, bishii November 2014-kii ayay ahayd markii Kudhaa ay xoogag ka tirsan Al-shabaab kala wareegeen ciidamo beeleedka maamulka KMG ah Jubba oo ku sugnaa, waxaa dagaalkaas ku dhintay ku dhawaad 60-qof oo labada dhinac ka tirsan.

SomaliSwiss Kismaayo
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: